Diyaarad Helikobter ah oo tartan xaga orodka kula jirtey baabuur oo bur burtey gebi ahaanteed Si Live ah(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Diyaarad Helikobter ah oo tartan xaga orodka kula jirtey baabuur oo bur burtey gebi ahaanteed Si Live ah(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Diyaarad Helikobter ah oo tartan xaga orodka kula jirtey baabuur ayaa waxaa la sheegay inay bur burtey gebi ahaanteed xilli si LIVE ah looga duubaayey barnaamij telefishin iyadoona ay arintaas ku reebtay dadkii goobtaas ku sugnaa yaab iyo kala carar.  

Barnaamijaan Telefishinka ee lagu magacaabo Top Gear qeybtiisa dalka Korea ayaa waxaa la sheegay inay diyaaradaas Hellikoptarka ah oo ahayd nooca loo yaqaano Cobraha ayaa waxay tar tan kula jiretay baabuurka guuxiisa ka dheereeya ee ay adagtahay sida lagu gaaro ee loo yaqaano Corvette ZR1, iyadoona markii uu tartankaas xoogaa socday ay mar qura kuwada naxeen dadkii barnaamijkaas duubaayey Helikoptertii oo mar qura dhulka gashay islamarkaana kicisay boor iyo bus badan iyadoona ay dadkii ku sugnaa goobtaas iyo shaqaalihii telefishinkaba ay goobtaas kala carareen cabsi awgeed, Wadihii baabuurka la tartamaayey Helikoptertaas ninka lagu magacaabo Kim Jin Pyo ayaa cabsi iyo argagax awgiis waxaa kala tagey afkii asagoona ay yaab ku noqotey waxa dhacay.

Ugu dambeyntiina iyadoo barnaamijkaas Top Gear oo ku caan baxay tartamada baabuurta ee xad dhaafka ah oo asal ahaan ka soo jeedo dalkaas Ingiriiska lagana daawado telefishinka BBC islamarkaana ay wadamo badan ka qaateen oo ay kaga daydeen barnaamijkaas ayaa waxaa uu yahay barnaamij wato qatartiisa iyadoona ay dhowr jeer ka dhasheen dhaawacyo halis ah meelo kala duwan oo ka mid ah aduunka, Laakiin Helikoptertaan bur burta oo u muuqatey mid lagu baaba'ay ayaa waxaa la sheegay inaysan ka dhalan wax dhimasho iyo dhaawac culus toona iyadoona sidoo kale ay ka badbaadeen dadkii ku sugnaa goobtaas ee daawanaayey tartankaas.

Daawo Muuqaal ahaan Sida ay u Bur Burtay Diyaraadda


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada