War Deg Deg Ah Qarax Dad iyo Duunyo wax ku noqdeen oo goordhaw ka dhacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha

War Deg Deg Ah Qarax Dad iyo Duunyo wax ku noqdeen oo goordhaw ka dhacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha

Waxaa Daqiiqado kahor Qarax Bambaano oo aad u xoogan uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka lagu iibiyo alaabaha Qandalka.
Qaraxa bambaano ayaa waxaa tuuray dhalinayro aan heeybtooda la garan iyagoona ku weeraray goob ee kusugnaayeen dad badan oo Shacab ah iyo Askar katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay ilaa 12-Qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay Weerarka bambaano kuwaa oo loola cararay Goobaha caafimaadka waxaa sidoo kale Qaraxan uu isna Waxyeelo gaarsiiyay Dameero kusugnaa halka qaraxa lagu weeraray.

Lama sheegin Askar katirsan Ciidanka Dowlada oo waxyeelo kasoo gaartay qaraxaasi ,waxaan durba halkaasi howl galo kasameeyay ciidamno katirsan Dowlada lamana shaacin ilaa hada in ee dad usoo qabteen Qaraxaasi.

Qaraxyada Bambaano ayaa kusoo badanaya Magaalada Muqdisho iyadoona dhoorkii habeen ee lasoo dhaafay Qaraxyo bambaano ee ka dhaceen Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho inkastoo ood u yareed waxyeelada ee geesteen.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada