Diyaarad Uu Leeyahay Madaxweyne Wadanka Malawi oo la xaraashayo ( Maxey Tahay Sababta Daawo Sawiro + Warbixin )

Diyaarad Uu Leeyahay Madaxweyne Wadanka Malawi oo la xaraashayo ( Maxey Tahay Sababta Daawo Sawiro + Warbixin )

Dawlada wadanka Malawi ayaa suuqa ku soo bandhigtey diyaaradii khaaska u aheyd madaxtooyada wadankaasi ee loogu tala galay in uu ku socdo Madaxweynaha dalka, taasi oo qayb ka ah dadaal dawlada Malawi ku doonayso inay ku dhinto qarashka baxa.
Warbixin ka soo baxdey xafiiska madaxweynaha Malawi haweenayda lagu magacaabo Joyce Banda ayaa lagu sheegay in diyaaradan oo nooceedu yahay Dassault Falcon 900EX lehna 14 kursi lagu iibin doono aduun lacageed oo gaaraya 13.3m (Sadex iyo toban milyan iyo sadex boqol oo kun oo doolar), iyadoo diyaaradan uu soo iibsadey madaxweynihii geeriyoodey Bingu wa Mutharika, kaasi oo si ba’an loogu dhaleeceeyey qiimaha lacageed uu ku soo gatey diyaaradaasi.
Madaxweyne Mrs Banda waxay diiday markii xilka madaxweynaha Malawi loo dhaariyey ka dib geeridii lama filaanka aheyd ee madaxweynihii ka horeeyey inay gacaha saarto diyaaradaasi, iyadoo sheegtey inay ku duulayso diyaaradaha caadiga ah ee rakaabka.
Joyce banda waxay ku tilmaamtey in lacagta diyaaradan ay ku fadhido ay u baahan yihiin shacabka reer Malawi oo la daalaa dhacaya faqri iyo cuduro ayna u sii dheer tahay jahli baahsan.
Ogeysiiska beecinta diyaaradan ayaa waxaa lagu xusey in diyaaradan ay ku sugan tahay xaalad wanaagsan ayna duuli karto masaafo gaaraysa 8380 Km oo aan joogsi laheyn.
Dulaaliinta iyo dadka kale ee doonaya inay diyaaradan iibsadaan waxaa lagu wargaliyey in 20-ka bishan February 2013 macdaarka la soo dhigi doono diyaarada, iyadoo qiimaha ugu wanaagsan lagu iibin doono.
Mrs Banda tan iyo markii ay xilka madaxtinimada Malawi qabatey waxay xooga saartey sidii ay wax uga qaban laheyd dhaqaalaha liida ee dalkeeda, iyadoo xiriirkii deeq bixiyeyaasha dib u hagaajisay, xiriirkaasi oo xumaadey markii madaxweynihii ka horeeyey uu diyaaradan ku bixiyey lacagta faraha badan, arintaasi oo si weyn ay u dhaliileen mucaaradkii xukuumadiisa iyo waliba qolayaha deeqaha bixiiya oo ku tilmaamay talabaadaasi lacag gubid.
Talaabooyinka kale ee ay ku dhaqaaqdey Mrs Banda ayaa waxaa ka mid ah in sidoo kale ay beecisay 60 gawaarida raaxda gaar ahaan kuwa Mercedes Benz oo xafiiska Madaxtooyada laga lahaa, iyadoo arinkan u cuskutey inaan loo baahneyn in madaxdu raaxeysato shacakuna bogga dhulka gaajo darteed ugu hayaan.

Joyce Banda waxaa lagu tilmaamay inay ka mid ah haweenka dunida ugu saameynta badan, iyadoo wargeyska Forbes ee caalamiga ah uu ku tilmaamay inay tahay haweenayda 71-aad ee dunida ugu awooda badan, halka ay ka tahay Afrika kaalinta koowaad.

Talaabadan waxay tusaale u tahay madax badan oo Afrika ka talisa oo ay ka mid yihiin kuwa Soomaalida oo jecel inay ku noolaadaan ama ku dhaqmaan nolol khiyaali iyo garasho la’aan salka ku haysa, halkii ay ummada ay maamulaan u sameyn lahaayeen adeegyada nolasha ee aasaasiga ah, waxaana marqaati ma doonto ah inay tusaale u tahay kuwaasi Mrs Joyce Banda.







_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada