Gabay Kaftan Siyaasadeed xiiso badan oo Dhax maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe(Q-2aad)

Gabay Kaftan Siyaasadeed xiiso badan oo Dhax maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe(Q-2aad)

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaaQeybtii 2-aad Suugaan kaftaneed dhax maray Madaxweynaha Maamulka gooni go'a daneenaya ee Somaliland iyo Hogaamiyaha Xisbiga Mucaarudka Ucid oo isna ka dhisan Somaliland.

Faysal- Dabkaa Xamar Ka Daarmee Lagu Wada Diirsaday Miyaan Dacal Ka Raacnaa?

Siilaanyo- Midaas Dayrta Maanta ah Damaceed Ma Haayee Wax Ka Daran ayaa Jira Hadaan Laysku Diidayn

Faysal- Armaad Daruuraha Martaayoo Xamar Aad u Duushaa ood is Dabaalineysaa?

Siilaanyo- Hadii Aan Ka dego Xamar ma anaa Dakana Qaba isku Duubni Weeyoo Dadku Way Jecelyihiin Daarana Waan ku leeyahay

FaysalShirkado dhoora Miyaa Doorkii Hore Ku Saaroo Dibaan Kaa is taagiye sidaad Doonta yeel Dibnihiisa Kaa yiri?

Siilaanyo-Malaha waad il Duufteye Shirkado horteed baa Darajooyin waa weyn Duudkayga Saaraa Duurkaan Ka aado Waan usoo dib jiray

Faysal- Dooda Badan Ma Daynaa intaan culimo Duub Wayn Deegaankeena buuxino Dalka Ma U Ducaynaa?


SiilaanyoDuco Diidi Maayee Shalay iyo Doraabaa idaacadii La Daaraba aad ka Doobinaysee Horta yaad u Duubnayd ma anigaa ku Dirayoo afhayeen Dal kaa dhigay?


FaysalDamiirkay canaantoo Duq Xisbi ayaan ahay aan Duugoobin abid inuu dalaco mooyee Markuu Daahir Jiifsado waa taan Dacaayad is la Jiibineynee ma hadaa Dareen Dhacay oo Afka layska Duubaa?

SiilaanyoNabadaa Dugsoonee Daain Uu nasiiyee Dariskeen inoo Qiray Waa inaan Daryeelaa Dugaagana Ka celinaa umintana udiidnaa Diintana Ku Dhowraa


DHAMAAD

_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada