Duuliye geesi lagu sheegay oo isaga iyo Diyaaradiisii Miiga eheed si Live ah Qoriga Zuuga loogu toogtay (Daawo Muuqaal+Warbixin) !!

Duuliye geesi lagu sheegay oo isaga iyo Diyaaradiisii Miiga eheed si Live ah Qoriga Zuuga loogu toogtay (Daawo Muuqaal+Warbixin) !!

Mudo dhoor bilood ah waxaa nafta u keenay ciidamada mucaaradka dalka Syria ee la dagaalamaya xoogaga Bashar Al Asad mid ka mid ah duuliyaasha Diyaaradaha Milatariga dalka Syria oo mar kasta gubi jiray Gawaarida mucaaradka oo inta badan la soo saari jiray Qoriga Zuuga iwm. 

Duuliyahaan oo looga bartay in uu ku socdo joog hoose waxa uu maleeshiyaadka Mucaaradka dalka Syria ku duqeeyn jiray Diyaarada Miiga ah ee loo yaqaan (MiG 23). Mudo dhoor bilood ah ciidamada Mucaaradka dalka Syria ayaa ku guul dareeystay in ay toogtaan ama soo ridaan diyaarada Duuliyahaan oo nafta ku dhibay dhaq dhaqaaqooda. 

Ciidamada mucaaradka dalka Syria ee la dagaalamaya xoogaga Madaxweeyne Bashar Al Asad ayaa iminka waxa ay ku guuleeysteen in ay dhulka soo dhigaan ama toogtaan Duuliyihii ciqaabi jiray oo dhoor jeer ka gubay Tikniko fara badan . 

Maleeshiyaadka Mucaaradka Syria oo wata gaari uu saaran yahay Qoriga loo yaqaan Zuuga ayaa waxa ay Duuliyahaan qatarta ah ugu gambadeen goob dhir badan ku taal oo buur ah kuwaas oo qabadsiiyay dhoor xabadood oo Rasaasta Zuuga ah waxaana dhulka ku faniinay Miigii Duuliyaha oo holcaya. 



Halkaan ka Daawo Yaabkaan Mucaaradka oo si Live ah u toogtay Miigii Duuliyaha

_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada