Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay Horyaalkii 4aad ee Kubadda Gacanta Daawo Sawirada

Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay Horyaalkii 4aad ee Kubadda Gacanta Daawo Sawirada

Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho ayaa ciyaartii kama dambeysta Horyaalka 4aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay gabdhaha Horeed iyo Heegan , waxaana si xarago leh markii afaraad koobka gacanta ugu dhigay Heegan oo 12-5 ugu awood sheegatay Horseed.

Kulankan kama dambeysta oo ay ku balansanaayeen labadan kooxood ee sida weyn u xafiiltama dhinaca kalena kala metalayay Ciidanka Xoogga Dalka ‘HORSEED’ iyo Ciidanka Booliska ‘HEEGAN’ sidoo kalena ay u kala saftaan ciyaaryahano ka tirsan xulka Qaranka Gabdhaha Kubadda Gacanta ayaa waxay ciyaartooda ahayd mid si weyn ay ugu soo qeybgaleen Taageerayaal aad u badan iyo mas`uuliyiin kala duwan. iyagoo soo bandhigay ciyaar ku dheehan asluub iyo xirfad sareysa.

Qeybtii hore ayaa u muuqatay mid ay labada kooxood kubaddu qeybsanayaan oo marba dhinac shabaqooda gool lagu hubsanayay, Laakiin qeybtii labaad ayay Heegan awood dheeraad la timid iyagoo ka faa`ideystay ciyaaryahanadooda aadka u dhaadheer oo u sahlay inay kubadaha meel fog ay ka dhaliyeen sidaasna guusha ay markii afaraad oo isku xiga ay ku raacday 12-5.

Waxaa ciyaartan garsoorayay C/laahi Xasan Cali {Kuusoow} iyo Maxamed Cusmaan Xaaji (Galeey), Dhibcaha waxaa qorayay Maxamed Xasan Fiidoow. iyadoo Sacaadda uu hayay C/raxman Suufi Karaama.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan {Eenoow} iyo Guddoomiyaha Degmada C/Casiis C/laahi Xuseen Xasan ayaa gabagabadii sheegay inay aad ugu faraxsan yahiin in Tartankan guul ku soo dhamaado, iyagoo halkaasina ku guddoonsiiyay Abaalmarino Koobab ah kooxihii galay kaalimaha 1aad 2aad iyo 3aad.

Ugu dambeyn XSKG ayaa dhinaca kale warbaahintan u xaqiijiyay in Jimcaha soo socda ay qorshaynayaan inay dhacdo ciyaartii kama dambeysta ee Horyaalkii 13aad Wiilasha Kubadda Gacanta oo ay ku hardami doonaan kooxaha Heegan iyo Dekedda.










 
_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada