Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Jig-jiga (Daawo Sawirro)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Jig-jiga (Daawo Sawirro)


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran maanta loogu soo dhoweeyay magaalada Jig-jiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.


Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka soo kicitimay magaalada Addis Ababa oo ay maalmahan ku sugnaayeen, iyadoo uu ka soo raacay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.



Prof. Jawaari ayaa wafdigiisa waxaa ka mid ahaa Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka, qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka iyo xubno kale, waxaana markii ay ka soo dageen madaarka Jig-jiga qoorta loo sura ubaxyo.



Wafdiga ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhoweeyay dadweyne fara badan iyo kooxo fanaaniinta deegaanka oo ciyaaraha hidiyo dhaqanka iyo dhaantada ku soo dhoweeyay, waxaana markii dambe loo gelbiyay guriga martiga ee Jig-jiga.



Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweyntan heerka ah sare ah, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyay shacabka iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.



Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Jig-jiga ay soo gaaraan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay in booqashadan ay tahay mid taariikhi ah.



Deegaanada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa in dhawaalaba laga dareemayay horumaro dhinaca nolosha, ganacsiga iyo dowlad wanaaga, iyadoo dowladdana ay tallaabo wanaagsan u qaaday wada shaqeynta shacabka iyo ka warqabka baahiyaha jira, waxaana jiray dhowr mashaariic oo ay ka fulisay deegaano badan oo abaaro ka jireen.







_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada