Iska horimaad hubeysan oo xalay ka dhacay magaalada Baydhabo

Iska horimaad hubeysan oo xalay ka dhacay magaalada Baydhabo


Iska horimaad hubeysan oo qasaare geystay ayaa xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Ciidamo taabacsan ururka Alshabaab ayaa saddex jiho ka soo weeraray magaalada Baydhabo.

iyadoo dagaalkana uu ahaa mid socday labo saac ah. Waxana dagaalkan ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba soo kala gaaray sida ay sheegayaan dadka magaalada Baydhabo. 

Ciidamada ururka Alshabaab ayaa gudaha u soo galay qeybo ka tirsan degmada Beledweyne hase yeeshee markii dambe ayaa laga saaray ciidamadii soo galay. 

Xaafadaha ay dagaaladu ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah xaafada Siigaale,cunaaye iyo suuqa balka.

Xaalada magaalada ayaa degen inkastoo weli uu ka jiro magaalada Baydhabo khilaaf dhinaca maamulka ah. 

Shalay ayay ahayd markii bam lagu tuuray ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ethiopian bartamaha magaalada Baydhabo. 

Taliyaha booliska gobolka Bay ayaa sheegay in ay soo qabteen qofkii ka dambeeyay weerarka bamka ah ayna maxkamad soo taagi doonaan. 

Illaa boqol ruux oo lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa ku xiran xabsiyada magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada