Falaanqeynta Kulanka Real Vs United , Tijaabi Saadaalintaada Yaa Badinaya.

Falaanqeynta Kulanka Real Vs United , Tijaabi Saadaalintaada Yaa Badinaya.


Manchester United ayaa caawa ku bilaaban doonta Real Madrid lugta hore ee koobka horyaalada qaarada Yurub,Runtiina waa kulan Xiisaha uu leeyahay uu aad u weyn yahay.
Daafaca Real Madrid Pepe ayaa bed qabo kadib markii uu canqawga ka dhawaacbaa,waxaana uu ku soo bilaaban doonaa garoomada tan iyo December marka ay cawa la ciyaarayaan Man United.
Xabi Alonso iyo Raphael Varane ayaa labadaba Taam u ah u ah kulankan laakiin Iker Casillas ayaa ka maqnaanaya.
Sami Khedira, Angel Di Maria iyo Mesut Ozil ayaa lagu wadaa in dhamaantooda Lin Upka hore ay caawa kasoo muuqdaan Madaama ay nasteen dhamaadka Todobaadkan.
Dhinaca kale Man United ayaa rajaynaysa in labadeeda difaac ee Phil Jones iyo Jonny Evans ay saftaan kadib markii ay ku soo dhaawacmeen kulankii Everton ee 2-0.
Darren Fletcher oo ah kubad sameeyaha Man united ee qadka dhexe ayay Xumad haysaa
Ogow
Real Madrid ayaa badisay Shan kamid ah lexdii ciyaar ee ugu dambaysay ay ku ciyaartay Garoonkeeda Santiago Bernabeu waxaanan looga badin 33 jeer tartamada oo dhan.
Kooxda koobka La Liga haysata ayaa badisay Sadax kamid ah Sideed kulan oo Man United ay ugu hortageen tartamada oo dhan,Labo Guuldaro ayaa ku dhacday iyo sadax bar bardhac.
Cristiano Ronaldo ayaa 292 kulan u saftay Man United intii u dhaxaysay 2003 iyo 2009,waxaana uu dhaliyay 118 gool tartamada oo dhan.
Manchester United ayaanan laga badin 14 Ciyaar oo Tartamadii kala duwanaa ee ay ka qayb gashay .
Ferguson ayaa badiyay labo kamid ah 14 jeer oo Mourinho uu ka hortagay,Lex Isagaa laga badiyay, lexna Bar bardhac.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada