Jaceylka Waxa Uu Haweenka Siiya Isku Kalsoonaan , Mana U Baahna Kaniiniga Hurdada.

Jaceylka Waxa Uu Haweenka Siiya Isku Kalsoonaan , Mana U Baahna Kaniiniga Hurdada.


Haweenka ayaa jecel in ay helaan nin si dhab ah u jecel taas ay ka helaan caafimaad dhanka jirka iyo nafsiyan-ba oo qaab Otamatic ah ugu timaada, waxa yna cadeynayaan baaritaano la sameeyay in jirka haweenka uu la hayste u yahay xaaladda nafsiyan ee haweenka.
Iyadoo farxadda ay ka helayaan jaceylka ay siineyso fal celis wax ku ool ah iyadoo uu jirka uu awood u yeelanayo in uu iska difaaco xanuunada jirka iyo kuwo nafsiyanka ahba , baaritaanka ayaa tilmaamaya in dareemaha jilicsan ee haweenka ku jira in ay uga dhigan yihiin koronto taas oo keeneysa in aysan seexan hurdo degan hadii aysan haysan jaceyl daacad u ah .
Haweenka ayaan u baahneyn in ay qaataan kaniini hurdo ama kuwo madaxa dajiya maxaa yeelay jaceylka daacadda ah ay ka saacidaya jirka in si wacan uu howshiisa u guto , waxa uuna jaceylka si wacan uga shaqey siiya qeybta bidix ee maskaxda haweenka oo mas`uul ka ah isu dheeli tirnaanta caqliga iyo hadalka .
Jaceylka ayaa xoojiya isku kalsoonaanta haweenka iyadoo uu u soo jiido jaceylka daacada ah rajo wanaagsan iyo awood ay wax waliba uga hor tagto.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada