Maamulka gobolka Galgaduud oo ku baaqay in ciidamo ka socda AMISOM

Maamulka gobolka Galgaduud oo ku baaqay in ciidamo ka socda AMISOM


Maamulka gobolka Galgaduud ayaa waxa uu ugu baaqay dowlada in la geeyo gobolkaas ciidamo ka socda AMISOM.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Axmed Xasan Ciyow ayaa sheegay in loo baahan yahay in la geeyo ciidamada AMISOM gobolka si loo xoojiyo ammaanka.

Waxana uu Ciyow sheegay in ay ka codsadeen dowlada in ciidamo AMISOM qeyb ah la geeyo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ammaanka gobolka Galgaduud ayaa aad u wanaagsan iyadoo degmooyinka gobolka Galgaduud ay kala maamulaan urarada Alshabaab iyo Ahlu Sunna. 

Warkan ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Galguduud ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo dhowaan ay qaramada midoobay sheegtay in lagu bedelayo qaar ka tirsan ciidamada AMISOM ee dalka Kenya ciidamo ka socda wadanka Sieraleone . 

Hore ayaa loo sheegay in ciidamo ka socda AMISOM la geyn doono gobolka Galgaduud, waxaana magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kusugan ciidamo ka socda AMISOM.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada