Mario Balotelli Oo Sheegay Inuu England Ku Nacay Saxaafadooda, Cimiladooda Iyo Cunadooda.

Mario Balotelli Oo Sheegay Inuu England Ku Nacay Saxaafadooda, Cimiladooda Iyo Cunadooda.

Mario Balotelli ayaa qirtay inuu u xiiso doono Manchester City ka dib markii uu u dhaqaaqay AC Milan, laakiin xiddiga reer Italy ayaa shalayto wax ka sheegay dhaqanka England.
22 jiorkaan oo si rasmi ah khamiistii uga dhaqaaqay Etihad Stadium islamarkaana ku biiray Sansiro ayaa shalayto ka hadlayay shirkii jaraa’id ee lagu soo bandhigayay waxaana uu yiri:
“Waan u mahadcelinayaa taageerayaasha Man City dhamaantood sababtoo ah waa ay ii fiicnaayeen mar walbana waa ay i taageerayeen xilligeygii fiicnaa iyo xilligeygii xumaaba. Waana inaan u mahadceliyaa asxaabtii aan soo wada ciyaarnay iyo tababaraha. Wixii intaas ka hara waan ku faraxsanahay inaan ka soo tagay England.
“Waxyaabaha fiicnaa ee England aan kala kulmay ayaa ah marka aan tago garoonka tababarka ee Carrington iyo asxaabtii aan wada ciyaarnay iyo tababaraha. Waxyaabaha ka xumaa England? Wixii intaas ka soo hara. Saxaafadooda, cimiladooda, cunadooda, iyo qaabka gawaarida loo kaxeeya.”
Laakiin Balotelli ayaa ereyo fiican ka yiri horyaalka Premier League: “Daacad hadaan u hadlo Premier League waa horyaal cajiib ah, waxaana qabaa inuu yahay kan ugu fiican. Garoomada iyo taageerayaasha… waa horyaal cajiib ah.

Ma aqaano mustaqbalka inaan ku laaban doono. Laakiin haatan halkaan ayaan joogaa.”
_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada