Maxaa ka taqaanaa Taariikhda Actarada Aishwarya Rai ??

Maxaa ka taqaanaa Taariikhda Actarada Aishwarya Rai ??

Aishwarya Rai magaceeda oo buuxa waxaa loo yaqaanaa Aishawarya Rai Bachchan waxa ay dhalatay 1 November 1973 waxa ayna ku dhalatay Mangalore, ee Gobalka Karnataka Dalka Hindiya .

Actarada reer hindiya ayaa filimaanteeda yihiin kuwa aad loo jacayl yahay waxana ku xiran shirakada badan oo ka beec mushtara Filimaanta hindigaa hayeeshee filimkeedii u horeeyay ayay soo saartay sanadii 1994tii

Aishwarya Rai oo sanadii 1994tii ku soo biirtay saaxda Filimaanta ayaa sanadii 1997dii filimkeedii u horeeyay waxaa si toos ah ugu faafay dunida waxuuna ka mid noqday filimaanta aadka loo xiiseeyo .

Waxa uuna ahaa filimkii ugu horeeyay ee Bollywoodka ku soo gasho filimka Aur Pyaar Ho Gaya hayeeshee waxaa uu filimkaa soo jiitay malaayiin ku xiran filimaanta hindigaa sido kale Shirkadaha ku xiran Bollywood filmaanta .

Sanadii 1998dii waxa ay soo sartay filimka la yiraahdo Jeans waxana filimkaa asna uu ahaa mid ay ku xirnaayeen Shirkada badan kuwaa oo filimkaa ku tilmaamay mid soo jiidasho lahaaaa

Sanadii 1999 ayay mar kale boorka iska jaftay Actaradaa waxa ayna soo sartay Filimka Hum Dil De Chuke Sanam kaa oo asna Shirkadaha Bollywoodka ku xiran aad ula dhaceen waxa ayna ku heshay abalmarino shirkadaha ka beec mushtara Filimaanta siiyeen .

Sanadii 2002dii ayay mar kale dadaalkeedii labuu laabtay waxa ayna ku guulaystay abaal marinta la siiyo actarka ugu filimaanta fiican Hindiya kidib markii ay soo sdartay Filimka Devdas waxaana gudoonsiiyay Booywoodka Filimaanta Hindiya .

Sandihii 2003dii ilaa 2005tii ma aysan soo saarin wax filimaan ah hayeeshee waxa ay wax ka soo sartay 2006dii filimka Dhoom 2 waxana sidoo kale isla sanadihii 2007dii soo sartay Filimka Guru sanadii 2008dii waxay soo sartay Filimka , Jodhaa Akbar halka sanadii 2010kii ay soo sartay Filimka Enthiran
Maxaa kala socotaa inta filim ay soo sartay Actarada ama ay wax ka soo sartay

Sanadii 1997 waxay soo sartay Filimka Iruvar waxa uuna ahaa Filimkii ugu horeeyay ee hab tijaab ah u gashay isla sanadii 1997 dii waxaa ay soo sartay filimkii ugu horeeyay shaasahada ku soo gasho Aur Pyaar Ho Gaya Hindi sanadii 1998 dii filim ayay si wada jir ah u soo sareen Ashi Kapoor waxana la yiraahdaa filimkaa Jeans.

Sanadii 1999 Aa Ab Laut Chalen ayay soo sartay isla sanadkaa 1999 Hum Dil De Chuke Sanam ayay soo sartay waxa ayna ku heshay abaal marinta ah Filmfare Best Actress Award isla sadkaa 1999 waxaa mar kle si gooniya loo siiyay abaal marin u gooni ah oo khibradeeda ku mutaysatay Filmfare Best Actress Award

Sanadii 2000 Kandukondain Kandukondain ayay soo sartay isla sanadkaa Josh ayay wax ka soo sartay 2000 isla sanadkaa gudahiisa abal marin akle ayay heshay Filmfare Best Actress Award isla sanadkaa mar akle waxay wax ka soo sartay Filimka Dhaai Akshar Prem Ke kaa oo ay ku dhigeen Dalka Hindiya waxaana lugu siiyay Baal marinta Filmfare Best Supporting Actress Award

Sanadii 2001 Albela ayay soo sartay isla 2002dii Hum Tumhare Hain Sanam ayay soo sartay hayeeshe waxaa isla sanadii 2002 ay soo sartay Hum Kisi Se Kum Nahin 23 March 2003dii ayay mar kale hanatay abaal marinta Filmfare Best Actress Award waxana actaradaa filimaanteeda garaan 65 Filim oo ay iyadu ka tahay soo saare waxayna filimkii u danbeeyay soo sartay 2010kii kaa oo la oran jiray Guzaarish


Aishwarya Ria waxa ay saxib la ahayd Slamaan khaan ka hor inta aysan guursan Abhishek Bachchan 2007dii waxa ayna actardaa ku hadashaa luqadaha English, Tamil, Telugu, iyo Bengali waxa ay jirtaa 39 sano waxa ayna ku nooshahay Magaalada Mumbia ee Dalka hindiya 1 cunug waa ay ay haysataa .

Actarada abaheed waxaa la yiraahdaa Krishnaraj Rai hooyadeedna waxaa la yiraahdaa Brindya Rai walaakeed ka wayna waxaa la yiraahdaa Aditya Rai waxa uu soo saare ka ahaa filimkii 2003dii soo sartay ee Dil Ka Rishta


Aishwarya Ria waxay haystaa Dinta Hinduga waxa ayna iyada oo yar ku bar baartay Mumbia waxa ay ka qalin jabisay Dugsiga Arya Vidya Mandir Secondary School ee ku yaalay Magaalada Mambia marka ay qalin jabisay kidib waxay gashay ai Hind College kaa oo ay dhiganaysay Afar sano .

Actarada waxa aay si wayn looga jacylayahay Dalka hindiya iyo guud ahaan dunida waxa ay heeshiisya ilaa iyo hada kula jirtaa Shirkada waa wayn oo dalkaa Hindiya ku yaala iyo Maraykanka iyadoo u smaynsay barnaamijya kala duwan .

Actarada ayaa sidoo kale kaalin wayn ka gaystaya dhinaca ka shaqaynta arimaha binidaanimada waxa ayna aas aastay Uruur ka shqeeya howlha gar garaka iyadoo caawimaad u fidisay dadka masaakiinta ah ee Dalka hindiya waxa ayna Uruurkaa Aas aasatay sandii 2004tii .


W/Q/Cabdi raxmaan ilkacase

_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada