Midowga Afrika oo sheegay in Al-Shabaab gabaad ka dhigayaan Somaliland iyo Puntland

Midowga Afrika oo sheegay in Al-Shabaab gabaad ka dhigayaan Somaliland iyo Puntland


Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gabaad ka dhigayaan dhulka maamulada Somaliland iyo Puntland, kadib markii looga awood roonaaday dagaaladii ka dhacay Koofurta Soomaaliya.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mahamet Annadiff Saleh ayaa sheegay inay hayaan xog ku aadan in xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab ay tageen meelo ka mid ah deegaanada Somaliland iyo Puntland si ay ugu dhuumaaleystaan.

"Waxaa jira qaar shacabka ku milmay iyo kuwo u cararay dhulalka ay ka jiraan maamul goboleedyada, waxay isku dayayaan inay weeraro dhuumaaleysi ka qaadaan"ayuu yiri Mahamet Annadiff Saleh.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay inay ka war hayaan in xubno ka tirsan Shabaab ay soo galeen bariga gobolka Sanaag, isagoo ku hanjabay inay ka hortagi doonaan.

Sirdoonada reer galbeedka ayaa sheegaya inay suura gal tahay in Al-Shabaab ay ku dhuumaaleystaan buuraleyda u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa Al-Shabaab sanadkii hore ka saaray magaalooyin dhowr ah, oo ay maamulayeen.

_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada