Qarax ka Dhacay Safaaradda Maraykanka Turkey

Qarax ka Dhacay Safaaradda Maraykanka Turkey

Qarax ayaa maanta ka dhacay bannaanka hore ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Ankara. Ugu yaraan 2 qof oo ka mid ah ciidamada ilaalada safaaradda ayaa dhintay.

Goobjoogayaal ayaa sheegayaa in qaraxan uu geystay qof isa-soo miidaamiyay.

Gaadiidka gurmadka deg-dega ah iyo shaqaalaha dab-damiska ayaa si  deg-deg ah goobta uu qaraxu ka dhacay u gaaray.

Goobta uu qaraxu ku dhacay ayaa waxaa ku yaalla dhowr safaaradood oo ajanabi ah.

Sannadkii 2008-dii, saddex nin oo hubeysnaan iyo saddex boolis ah ayaa ku dhintay weerar ka dhacay bannaanka hore ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Istanbul.

_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada