Qiisaba qiiseey keenta markana waa sheekadii Hubaal caashaq iyo hinnaaso dumar qeybti 15aad.

Qiisaba qiiseey keenta markana waa sheekadii Hubaal caashaq iyo hinnaaso dumar qeybti 15aad.

Eedo Faadumo ayaa la ii sheegay in ay ii baahan tahay

Siraad:

Sidii ay u soo raadineysay ayaa noo timid waa nagu jahwareertay

Maslax:

Aniga mashquul ayaan ahaa adiga maxaad u raadin weysay mise xaafada ayaa kuu goysay

Siraad:

Wallaahi iskuma dayin mana filaayo in aan guriga toosin karo 

Maslax:

Adeer Faarax ayaa ii sheegay in ay Eedo Fadumo ay wado qorsho ay guri nagu siineyso adiga wax ma kuu sheegtay

Siraad:

Waa ay ii sheegtay laakiin Maslax kala hadlan ayan ku iri

Maslax:

Koley aniga oo ku hadlaayo magacaaga & keyga waan kaga mahad celin doonaa dadaalkeda iyo wanaaga ay nala doontay maadaama aan gurigaan wax dhib aanan ku qabin ka waran macaanto

Siraad:

Waa runtaa macaane

Maslax inta uu 10 jeer in ka badan dhunkaday ayaa uu ku yiri

Maslax:

Sow ima fasaxeysid si aan u seexdo mise!!!!!!!!!!!!!

Siraad oo fahamtay meesha uu hadalka u wado ayaa si kaftan ku jira u tiri

Siraad:

Hadaanan ku fasaxin ka waran

Maslax:

Haye fasax la’aan yaa kaa seexan karo caawa oo dhan is kedis kedis ayaa heyneysaa aniga hurdo la’aan ayaa igu dhaceyso beri shumiska waa leyska goosanayaa marka in aan ku qanciyo waa qasab

Siraad qosol ayaa ay ka wareegtay oo ay tiri

Siraad:

In aad sidaas hadalka u dhigeysid waan fahamsanaa ninkeyga aan jeclaayo ee quruxloowga ahaa caawa waad igu kaftameysaa dhabtii dabeecada debecsan waan waxaan kugu doortay waad seexan kartaa

Inta ay dhunkatay ayaa ay tiri habeen wanaagsan Siraad ma dooneynin in geediga uu nolosha ugu jiro Maslax in ay kala dhantaaliso mana dooneynin in ay fikirkiisa ka hor timaado iyadoo ay wanaagsaneyn in ay dhibkeeda ka hadasho oo ay aragtideeda dhiibato iyadoo taa og hadana ma dooneynin in isaga dhibto

Maslax maalintii dambe markii uu shaqada ka yimid ayaa uu abaaray gurigii Xaaji Faarax oo uu doonayey inuu la kulmo Eedo Faadumo oo loo sheegay in ay u baahan tahay markii uu xaafada yimid ayaa loo sheegay in ay qolka fadhiga ay ku jirto oo lala joogo Faadumo markii ciyaalkeeda ay u sheegeen inuu Maslax u yimid ayaa ay u soo baxday oo ay ku tiri

Faadumo:

Ii waran Maslax in aad na soo xariiri weysaan maxay ku dhacday

Maslax:

Fiican Eedo dad aan illaawi karno ma tihiin xilli aan caawinaad u baahnaa ayaan I siiseen ee mashquulka oo kaliya ayaa na kala weeciyey 

Faadumo:

Eedooy aad ayaan kugu baahnaa in aan kula hadlo bal qolkaan na soo geli

Maslax sidii ayaa uu ku daba kacay oo uu qolkii galay Eedo Faadumo oo aan ugu hamuun qabtay in mowduuca ay furto ayaa tiri

Faadumo:

Maslax soo dhawaaw dhab ahaantii aniga gabdho waan dhalay hooyo kastana waxay jeceshahay in ay gabadheeda ay meel wanaagsan ka soo jeeda dhabtii mudadii yareyd ee xaaskaaga ay nala nooleyd waxay ila aheyd gabadheyda oo kale dhibkeeda waa keyga marka wiilkeygiyoo waxaan rabaa in aysan iga fogaan Siraad oo aad halkaan ii soo dejiso

Maslax:

Eedo waan kaaga mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad soo dhaweysay iyo waliba qiimaha aad noo heyso maantana ragaan I soo dhaweeyey laf ahaantooda sidaan oo kale ayaa ay rabaan in aan ula noolaado Eedo anniga & Siraad mar walba qalbiga waa idiinku heynaa waana ballan in aan mar walba idiin soo siyaarano

Faadumo:

Wiilkeygiyoo waan kaa dareemayaa in aad dooneysid in aan ahaato nin iskufilan oo aan cidna ku tiirsaneyn taa waan kugu raacsan nahay balse arrin aadan la socon ayaa jira oo Siraad aysan kuu sheegin

Maslax:

Oo maxay tahay arrinkaas

Faadumo:

Xaaskaaga uma roono gurigaas maxaa yeelay waa guri aan karaamo iyo sharaf toona laheyn laf ahaanteyda waan la yaabay guriga ad degan tihiin waana guri magaalka oo dhan caan ah Siraad waa ay aragtay laakiin adiga ayaa ay ku dhowreysaa oo ay xushmo kuu heysaa waxayna mar walba ay ka soo horjeedaa in horumarkaaga in ay caqabad ku noqoto

Maslax:

Eedo weli kuma fahmin gurigaas maxaad ku aragtay oo uu qabaa

Faadumo:

Gurigaas waa guri maandoorayaha bahalkaan la yiraahdo lagu iibiyo mana aqaan sabab aad ku ogaan weyday arrinkaan aniga Siraad uma sheegin laakiin iyada waxa ay dhibsatay raga faraha badan ee jam jaamka ah ee guriga ku dulmeerasanayo marka wiilkeygiyo adiga iyo xaaskaagaba taa idiinma wanaagsana

Maslax:

Waa ku fahmay raga badan guriga waan ku arkaa laakiin aniga sidaas uma qaadan 

Faadumo:

Maslax eedooy iga aqbal in aan gurigaan naga soo horjeedo ee aan leenahay in aan qol idiinka diyaariyo

Maslax:

Maya eedo ma doonayo in aan qof dulsaar ku noqdo 

Faadumo:

Ii sheeg hooyo ubadkeeda dulsaar ma ku noqdaan waa maya aniga qolka oo kaliya iga aqbal dabkiina waan shidan kartaan sida aaad iminkaba u shidataan 

Maslax:

Waad mahadsan tahay Eedo fadlan fursad ii sii aan arrintaan kaga soo fikiro xaaskeygana aan kula tashto

Faadumo:

Adaa mudan wiilkeygiyoo aqbaarrna xagiina ayaan ka sugayaa

Maslax:

Waa tahay Eedo nabadey Adeer Faarax igu salaam

Maslax markii uu soo baxay la yaab ayaa ay ku noqotay waxyaalaha ay kala hadashay Eedo Faadumo wuxuuna abaaray Misaajidka maadaama salaadii maqribka ay soo dhaweyd 

Maslax waxaa u soo baxay shakiyo badan oo uu qabay oo uusan xaaskiisa u sheegin wuxuuna go’aansaday inuu arrinkaan wax badan ka ogaado si uu xaqiiqda jirta u helo markii uu habeenkii xaafadiisa ku soo noqday ayaa uu xaaskiisa ku yiri

Maslax:

Eedo Faadumo waan u tagay

Siraad:

Waxaad ka meermeertaba waa tagtay

Maslax:

Haa waxayna ii soo bandhigtay qol in ay na siiso 

Siraad:

Haye maxaad iskaga qancisay ileyn waan la socdaa ma dooneysida in aan gurigaan ka baxno

Maslax:

Xabiibti in gurigaan ka guurno miyaad jeceshahay

Siraad:

Horaan macaane aan kugu sheegay in aad wax waliba aad ii tahay oo waliba ay nafteyda ay ku qanacsan tahay meesha adiga ku riyaaqsan tahay ee farxadaada ileyn farxadaaa waa teyda

Maslax:

Iyadoo jirta haddana Xabiibi ma aha in naftaada waxaysan xamili Karin in aad ku qasabto waayo ma aha in aad farxadeyda oo kaliya aad fiiriso meel qaldan waan ku fikiri karaa waxayna aheyd in aan qaladka aad iga celiso 

Siraad:

Waxaan filayaa in ay eedo Fadumo ay arrintaan u sheegay kuu sheegtay

Maslax:

Haa 

Siraad:

Macaane waan rabay in aan kuu sheego laakiin habeenkaas adigaaba xanaaqay mana doonayo in aan dhib kale kugu furo maxaa yeelay horaa dartey noloshii ad ku jirtay aad ku weysay iminkana culeys aan kugu ahay marka ma doonayo in aan dhib kale aan kuu abuuro

Maslax:

Kala soco jimco kaasto sheekadan Shabakada WMN

Xiggasho: Jowhar.com

_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada