USAID oo siineysa Soomaaliya $20 milyan

USAID oo siineysa Soomaaliya $20 milyan

Madaxa Hey'adda gargaarka ee Mareykanka ee USAID, Dr. Rajiv Shah ayaa maanta tagay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii Soomaaliya looga gargaari lahaa xagga cunto yarida iyo sidii loo kordhin lagaa gargaarka deg deg ah.
Waxaana Rajiv Shah oo ka hadlay kulanka kadib uu sheegay inay ku dhawaaqayaan maanta 20 milyan oo dheeraad ah oo loogu talagalay sidii wax loogu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateeysan.
Waxa uu sheegay in lacagtaasi lagu taageeri doono adeegyada muhiimka ah sida cuntada, beeraha Si Soomaaliya ay uga guuleeysato ayuu yiri dhibaatooyinka heysta.oo aan ahayn oo kaliya inay gaajada uga baxaan balse ay soo nooleeyso beerihii Soomaaliya si ay u bedesho cuntada gargaarka, oo dalkan weyn uu ligihiisi isugu taagi lahaa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadlay ayaa sheegay inay ka wada hada hadleen maadaama Soomaaliya ay hadda yeelatay dowlad rasmi ah inay ka codsadeen sidii loogu kaalmeyn jiray waagii hore in si toos ah ay hadda kadib u wada xiriiraan.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada