Qaraxyo waa weyn oo ruxay Caasimada Suuriya ee Dimishiq

Qaraxyo waa weyn oo ruxay Caasimada Suuriya ee Dimishiq

Qaraxyo waa weyn oo loo adeegsaday baabuur ayaa gil gilay caasimada Suuriya ee Dimishiq, iyadoo ay is qabsadeen uuro iyo qiic hareeyay cirka.

Warbaahinta Suuriya iyo kuwa carabta ayaa sheegaya in in qaraxa ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tiro rasmi ah la heyn.

Warbaahinta dowladda ayaa ku eedeysay inay qaraxyadan ka dambeeyaan Kooxo Argagixiso ah.

Gawaari Ambalaas ah ayaa lagu arkayay agagaarka Xarunta ee dhexe ee Xisbiga Bacad, halkaasoo ah goobta qaraxyada xoogan ay ruxeen.

Qaraxyada ka dhacay Dimishiq ayaa ku soo aaday, iyadoo dowladda Ruushka iyo Jaamacada Carabta ay soo jeediyeen hindise ku saabsan inay wada hadlaan dowladda iyo Mucaaradka.

Kooxaha Mucaaradka Suuriya ayaa wada hadalo muddo labo maalmood ku yeelanaya dalka Masar, si ay xal uga gaaraan dagaalka ka socda Suuriya.

In ka badan 70-kun oo ruux ayaa ku dhintay tan iyo markii bishii Maarso ay bilowdeen kacdoonada ka dhanka ah Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada