Xaaskaaga Hooyadeed Ma Isku Dhib Qabtiin ?? Xalka Ugu Fudud Ee Aad Uga Guulaysan Karto Aqriso

Xaaskaaga Hooyadeed Ma Isku Dhib Qabtiin ?? Xalka Ugu Fudud Ee Aad Uga Guulaysan Karto Aqriso

Ma ku wareertay sodohdaada oo qaati ma ka taagan tahay xariirkaaga qoys oo qarka ma u saaran yahay in darteed uu u bur buro ? ha niyad wadooyin sahal ah ayaan ku haynaa ee qaado talaadaan

1- Ninkaada Jaceyl kula dhaqan : wadadaan waa midda ugu sahalsan ee aad ku farxad gilin karto qoyska ninkaada , maxaa ka macaan in qoykiisa ogaadaan in wiilkooda la jecel yahay .

2- Waligaa garabkiisa ahaaw : waligaa ninkaada hakula mur min qoyskiisa hortiisa gaar ahaan labadiisa waalid , wax waliba oo aad doneyso in ninkaada kala doodo ehelka hortooda iska ilaali , oo xita hadaad u careysan tahay qoykiisa hortiisa dhoolacadeyn been saaxib ka dhigo.

3- La xariir ka or inta aysan kula soo xariirin : tani waa talaabo xoogan oo aad qalbiga sodogaaga /sodohaada ku qabsan kartid ha iloobin in salaanta gaarsiiso .

4- Ka dalbo talooyinkooda : xitaa hadaan talooyinkaas dhab ahaan u qaadaneyn oo maraka qaar weydii in ay dareemayaan farxad maxaa yeelay weli wiilkooda saameyn ayay ku leeyihiin noloshiisa.

5- Xariifad noqo : hadii sodohdaada oo kula joogta ama dumaashidaada oo marka aad wada cunteysaan u istaagaan in saxamada ay dhaqaan haka yeelin oo qab xariifnimo ah wax kale u dhib yar ku mashquuli tusaale qabashada caruurta ama xitaa in shaah yar qac ka soo siiyaan.

6- Hadii uu jiro is faham la`aan isku day in si degan xaaladda ku daaweyso , waligaa ka fogoow in sheeko dheer aad la wadaagto, xasuunoow kulamaa sheekadada ay badato waxaa sii kordhineysaa in noloshaada wax badan ka ogaadaan , reer magaalnimo sheekada u soo koob.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada