Wararkii ugu dambeeyay Kismaayo iyo ciidamadii dagaalamay oo la kala dhex galay

Wararkii ugu dambeeyay Kismaayo iyo ciidamadii dagaalamay oo la kala dhex galay


Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xaalada ay ay degan tahay, kadib markii Ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya ay kala dhex galeen dhinacyadii ku dagaalamay magaalada.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa lix ruux, iyadoo tiro inta ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana dagaalka uu ahaa mid si guud ah u saameeyay dhaq dhaqaaqii magaalada sida Ganacsiga.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhintay Sarkaal caan ah oo lagu magacaabo Labo Garre, halka Sarkaal kale oo ka tirsanaa Saldhiga Booliska oo lagu magacaabayay Qalinle uu dhaawacmay.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii Ciidamo hubeysan oo hab beeleed u abaabulnaa ay weerareen Saldhiga, kadib markii la xiray Sarkaal ku heyb ahaa, waxaana dagaalka uu yeeshay weji beeleed.
Inkastoo xaalada tahay mid degan, hadana waxaa wali magaalada ka jira xiisado laga dareemayo, waxaana aday in xog dhameystiran laga helo magaalada maadaama ay go’an tahay Isgaarsiinta.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni, taasoo keentay in xaalada magaalada ay ka dhigto mid jahwareer ah.
Waxaa jira baaqyo loo jeedinayo dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Kismaayo, waxaana xubnaha baaqa diray ka mid ah Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka oo u baaqay labada dhinac inay dagaalka joojiyaan.
Dowladda Soomaaliya ayaan wali wax hadal ah ka soo saarin dagaalka ka dhacay Kismaayo, waxaana dagaalka uu ku soo aaday, kadib markii ay ka baaqsatay inay wafdi u dirto shirkii lagu waday in maanta uu ka furmo Kismaayo, kaasoo ujeedkiisa ahaa sidii maamul loogu sameyn lahaa deegaanada Jubooyinka.
Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa sidoo kale ka hadlin dagaalka, waxaana dagaalka Kismaayo uu saameyn ku yeelanayaa qorshihii maamul u sameynta oo horay guux badan iyo diidmo ay ka soo baxayeen.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada