Caanaha Dumarka Ee Nasaha oo Daawo u ah Caruurta kana ilaaliyo cuduro badan oo ku yimada dhalaanka

Caanaha Dumarka Ee Nasaha oo Daawo u ah Caruurta kana ilaaliyo cuduro badan oo ku yimada dhalaanka


Hay’adda Save the Children, ayaa shaaca ka qaadday in caanaha warshaduhu soo saaraan ee qasacadaha ku jira ay sida sigaarka oo kale u  waxyeelleeyaan caafimaadka carruurta.


Farriin caafimaad oo Save the Children soo saartay shalay, waxay ku sheegtay in qorshaha hayadoodu yahay sidii 30% loo yarayn lahaa isticmaalka caanaha noocan ah ee carruurta adduunka la siiyo, waxaanay ku baaqday in ubadka yaryar la siiyo caanaha naaska hooyada.

Waxa kaloo hay’addu soo jeedinteeda ku xustay dalalka ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo waddamo kale oo Yurub ah inay qaadan doonaan oo sidiisa ugu dhaqmayaan talooyinkooda, waxaanay xubnaha ololahan waday tilmaameen in caanaha qasacadaysan lagaga maarmi karo in hooyadu ilmaheeda sida ugu fiican u naas-nuujiso.

Save the Children waxay warbixinteeda ku sheegtay in saacaddii la badbaadin karo 95 ubad ah oo dunida ku nool, halka sannadkiina la badbaadin karo 830,000 ilmood, haddii hooyooyinku naaska siiyaan marka  ay dhashaan.

Warbixintan waxa kale oo ku xusan in dambarka caanaha naaska hooyadu faa’iido u leeyahay ubadka haddii marka ugu horreysa afka loo galiyo. Hay’addan oo dunida u qaabilsan badbaadinta carruurta, waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqday inay go’aankeedan uga gol leedahay sidii loo dhiirrigelin lahaa naas-nuujinta ubadka, lagagana hortagayo khataraha ay sababi karaan caanaha qasacadaha ku jira ee warshaduhu soo saaraan.

Mr. Brendan Cox oo ah madaxa siyaasadda ee Save the Children, ayaa sheegay in ku dhaqanka go’aankani muhiim u yahay dhamaan dalka Ingiriiska iyo waddamo kale oo Yurub ka tirsan, sababo la xidhiidha caanaha qasacadaysan oo intooda badan loo dhoofiyo dalalka lagu yeedho dunida saddexaad.

Waa in la helaa siyaasad cabbiraysa inay caanaha daasadaha ka wanaagsan yihiin caanaha naaska hooyada oo la ogyahay in ay difaac u yihiin caafimaadka carruurta, waxaanuna haynaa tusaalayaal badan oo tilmaamaya waxyeellada caanaha qasacadaha oo aan faa’iido sidaas ah lahayn, ayuu yidhi Mr. Cox.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada