Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Britain u qaabilsan Somalia

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Britain u qaabilsan Somalia


Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kula kulmay magaalada Muqdisho Safiirka Britain u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh, iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan amniga.
Kulankan oo markii hore ay albaabada u xirnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa si wada jir ah saxaafada ula hadlay Wasiirka iyo Safiirka, iyagoo faah faahiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in isaga iyo Safiirka ay isku afgarteen sidii Britain uga qeyb qaadan laheyd xoojinta Amniga Soomaaliya iyo mashaariic lagu hormarinayo Gobolada iyo degmooyinka dalka.
Mr Guuleed ayaa sheegay in Britain ay haatan mashaariic ka wado qeybo ka mid ah gobolada dalka, sida degmada Balcad oo uu sheegay in mashaariic horumarineed uu ka socdo.
Sidoo kale Safiirka Britain ayaa sheegay in kulankooda uu si guul ku soo dhamaaday, waxaana uu xusay inay ka qeyb qaadan doonaan taageerada hey’adaha dowladda, ayna ballaarin doonaan howlaha mashaariicda horumarineed ay ka sameynayaan dalka.
Britain ayaa bisha May marti gelineysa shir looga hadlayo Soomaaliya, kaasoo ay ka qeyb geli doonaan in ka badan 50-dowladood, waxaana shirkan uu yahay wajiga labaad shirkii bishii Febraayo ee sanadkii hore ka dhacay magaalada London, iyadoo shirkan looga hadli doono sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Soomaaliya.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada