Wiilashii Soomaaliyeed ee jilay Filimka ASAD oo casuumad ka helay Hollywood-ka

Wiilashii Soomaaliyeed ee jilay Filimka ASAD oo casuumad ka helay Hollywood-ka

Wiilasha kala ah Haaruun Maxamed iyo Cali Maxamed oo walaalo ah misna da’doodu kala tahay 14 sano iyo 12 sano ayaa casuumad ka helay Hollywood-ka, kadib marki ay jileen filimkii ASAD ee laga matalay Burcad Badeeda Soomaaliyed.


Wiilashan oo ah walaalo ayaa filimkan u jilay qaab laga yaabay, waxaana shirkada Hollywood-ka ay casuumad u fidisay wiilashan, sidi ay uga qeyb gali lahaayeen xaflad ka dhaceysa Magaalada Calafornia ee dalka Mareykanka, taasoo abaalmarino lagu siiyo Dadka jila filimada afka qalaad.

Filimka ASAD ayaa ka mid ah Filimada sanadkan u tartamaya kaalinta koobaad, waxaana wiilashan laga casuumay Calafornia, halkaasoo ay marqaati ka ahaan doonaan sida ay wax uga dhacayaan, sidoo kale waxaa suuragal ah inay ku guuleystaan abaalmarinta.

Soo saaraha filimka oo magaciisa la yiraahdo Buckley ayaa sheegay inay sharaf u tahay in wiilashan ay jilaan filimkan, laguna casuumo xaflada lagu tartansiinayo filimada afka qalaad, wuxuuna codsi u diray Dwoalada South Afrika oo ilmahan ay ku nool yihiin, isagoo ka codsaday inay u fududeeyso dalka ku galka ama VISaha si ay uga qeyb qaataan xafladan, wiilasha ayuu sheegay inay yihiin wilal qaxooti ah oo ku nool Gobol ka tirsan Koonfur Afrika.

HALKAAN DAAWO MUUQAALKA FILIMKA ASAD

_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada