Xenophobia"Laga Cabsi Qabo Inay Mar kale Ka Dhacdo Koofur Afrika iyo Soomaalida kunool Dalkaasi oo Cabsidii ugu xooganeed lasoo daristay

Xenophobia"Laga Cabsi Qabo Inay Mar kale Ka Dhacdo Koofur Afrika iyo Soomaalida kunool Dalkaasi oo Cabsidii ugu xooganeed lasoo daristay


Wal Walka Iyo Cabsida Laga Qabo Rabshada La Xiriira Cunsuriyad Nimo Ka Dhaca Guud Ahaan Dalka Koofur Afrika Ayaa Isa Soo Taraya Kadib Markii Ay Kordheen Mudooyinkan Danbe Weerarada Lagu Haya Dadka Aan U Dhalan Koofur Afrika.


Kooxaha Gangiska Oo Xabsiyada Laga Soo Wada Daayay Bishan”Shaqa La,aam Baahsan Oo Dalka Ka Jirta”Iyo Maciishada Oo Sara U Kacsan Aya Horseedi Karta Xenophobia Ka Dhacda Dalka Oo Ajaanibta Lagu Beegsado. 

Warkan La Xiriira Cabsida Laga Qaba Rabshadaha Xenophobia Ayaa Soo Ifbaxay Kadib Markii Sraakiisha Lamaha Amaanka Ay Ka Digeen Dhibaato Aan Yareen Oo Ka Imaan Karta Burcada Jeelalka Laga Fasaxay Iyo Dadka Shaqa La,aanta Haysata Oo Si Aad Ah Usii Kordhaya Iyo Sidoo Kale Bananbaxyada Rabshada Wata Ee Dalkan Ka Dhaca Mar Walba Kuwa oo Is Biirasada Ayaa Laga Cabsi Qaba Inay Bartimaameedkooda Noqda Ganacsiyada Kala Duwan Ee Dadka Ajaanibta Ah Ay Ku Leeyihiin Dalka Koofur Afrika. 

Saraakiisha Laamaha Amaanka Ayaa Xaqiijiyay In Ciidamo Police-Ah Iyo Kuwa Dharcad Ah La Geeyay Degaanada Isku Rararanka Ee Halista Ka Imaanta Karta Ee Ku Yaala Magaalooyinka Qaar Kuwaa Oo Bilabay Howlgalo La Xiriira Sidii Ay Ula Socon Lahayeen Dhaq Dhaqaqa Kooxaha Caadeystay Wax Yeleeynta Dadka Ajaanibta Ah Ee Ganacsiyada Leh.

Magaloyinka Cape Town Iyo Port Elizabeth Ee Ka Kala Tirsan Gobolada Western Cape Iyo Eastern Cape Oo Ay Ganacsiyo Kala Duwan Ku Leeyihiin Dadka Ajaanibta Ah Oo Ay Soomaalida Ugu Horeysa Ayaa Laga Cabsi Qaba In Dhibooyin Ay Kasoo Garaan Rabshadaha Madaama Dhawr Jeer Ee Hore Rabshada Ka Dhacay Dalka Ay Waxyeelo Ba,an Kasoo Gareen Kuwa Oo Naf Iyo Hantiba Ku Wayay. 

Bishii Aynu Kasoo Gudubnay Ee January Iyo Tan Aan Hatan Ku Jirna February Ee Sanadkan 2013 Ayaa Tirada Soomaalida La Dilay’Qaarkoodna La Dhawacay Waxay Gaarayaan Ila 12 Muwaadin Oo 8 Kamid Ah Ay Dhinteen Kuwaa Isugu Jiray Ganacsato Iyo Shaqaalo Xoogsata Ah Oo Lagu Bartimaamedsaday Dukaama Ay Jogeen Oo Ku Kala Yalay Magaloyinka Cape Town’Port Elizabeth”Iyo Degaano Ku Dhaw Magalada Johannesburg Waxaana Sido Kale Banaanbaxyo Rabshada Wata Oo Ay Shaqaalo Beeraley Dhigeen Lagu Boobay Lana Gubay Ku Dhawaad 200 Oo Dukaama Ganacsi Ah Soomaali Leedahay Kuwa Oo Ku Kala Yaalay Gobolada Free State”Western Cape Iyo Easten Cape Ee Dalka Koofur Afrika 

Dadka U Dhashay Dalka Ee Kasoo Jeeda Qowmiyada Madowga Ah Ee Dadka Cadaanka Ay So Gumeesyteen Ayaa Mar Walba Ganacsatada Soomaalida Ugu Hanjaba Inay Boobi Doonaan Hantidooda Iyaga Oo Ku Doodaya In Dalka Ay La Waregeen Dad Aan U Dhalan Islamaraakne Dhalnitoodane Aysan Wax Mustaqbal Ah Laheyn Mar Hadii Ganacsigii Dad Ajaanib Ah La Wareegeen. 


Sanadkii 2008 Ayaa Dalka Koofur Afrika Waxa Ka Gil Gilay Xenophobia Tii Ugu Xumeyd Taariiqda Dalka Soo Marta Ee Dhibaato Weyn Loogu Geeysatay Kumanaan Soomaali Ah Oo Ganacsiyo Kala Duwan Laha Waxana Dhibka Ugu Weyn Uu Soo Gaaray Soomaalida Cape Town Gaar Ahaan Degaanada Ku Xeeran Tirada Dadka La Dilay Iyo Kuwa La Dhawacay Ayaa Mar Qur Ah Sara U Kacday Sanadkaas.

Si Kastaba Dowlada Koofur Afrika Malaha Ajanda Muuqda Oo U Dagsan Oo Lagu Bad Baadin Kara Hantida Ajaanibta Hadii Ay Rabshada Xenophobia Ah Dhacaan Madaama Kooxaha Burcada Ee Gangisterka Ah Iyo Dadka Kasoo Jeeda Qowmiyada Madowga Ah Awood U Leeyihiin Inay Qaadan Talaaba Walba Oo Ay Damcaan

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada