Aabaha dhalay Beyonce oo ka murugeysan xaalada gabadhiisa.

Aabaha dhalay Beyonce oo ka murugeysan xaalada gabadhiisa.

Waxa uu daaha ka qaaday Aabaha dhalay fanaanada caanka ah ee Beyonce, inuu ka xunyahay go'aanka gabadhisa ee ah in xiriirka dhaxdooda uu go'o, taas oo keentay sida uu sheegay Mathew Knowles xitaa inuusan indhaha saarin gabadha uu awoowaha u yahay.

Mathew Knowles oo la hadlay jariidada The Sun ayaa  sheegay inuu dareemayo murugo iyo xanuun ku saabsan go'aanka qaldan ee gabadhiisu qaadatay kaas oo sameeyay xiriirki u dhexeeyay labadoodana kalana fogeeyay. 

Mathew ayaa tilmaamay inuusan wax lacaga ka dalban Beyonce taas bedelkeedna uu ku booriyay iney kala shaqeystaan, sidoo kale waxa daaha ka qaaday in xiriir xumada u dhaxeysa isaga iyo gabadhiisa ay sabab u noqotay xitaa inuusan arkin gabadha yar ee Awoowaha uu u yahay, taas oo hada jirta 18-bilood.

Aabaha Beyonce waxa uu sidoo kale qeexay in natiijada kasoo baxda arintaan ay wada qeybsa doonaan labadoodu, oo aysan jirin cid sigaara loogu saarinaayo maadaama labaduba qalad ku leeyihiin in xaalku halkaan gaaro.





_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada