Aabaha ugu xun dunida oo noqday nin Ruush ah oo gabadhiisa oo siddeed jir ah ku qasbay inay kaxeyso gaari

Aabaha ugu xun dunida oo noqday nin Ruush ah oo gabadhiisa oo siddeed jir ah ku qasbay inay kaxeyso gaari


Nin u dhashay dalka Ruushka ayaa lagu calaamadeeyay in uu yahay aabaha ugu xun dunida kadib markii uu ku qasbay gabadhiisa oo siddeed jir ah in ay ku wado baabuur inkabadan lixdan Mitir saacadii waddo baraf ah,
Dmitry Mihulchik oo 28jir ah ayaa filim ka duubay gabadhiisa Karina isagoo soo dhigay shabakadaha onlinka gabadha oo kaxaynaysa gaariga.
Waxaa uu ku qasbay gabadhiisa inay sii kordhiso kaxaynta gaariga kaasi oo u muuqday in uu dhowr jeer ka baxayo wadada.
Dad badan oo Ruush ah ayaa aad uga carooday waxa uu ku kacay Mihulchik halka qaar kalana ay amaaneen waxana ay sheegeen in ay iyaga ay barteen kaxaynta baabuurta iyagoo da’ yar.
Muuqaalka vidiyowga ayaa laga dhex arki karay aabahan oo dhinac fadhiya gabadhiisa Karina una sheegaya in ay sii kordhiso.
‘Waa 70kph ha fiirin saacada ee waxaad eegtaa wadada oo kaliya.’
Kadibna waxa uu u dhiibay Kaamero xaaskiisa oo kursiga dambe fadhida isagoo u sheegay in ay duubto.
Iyadoo gabadhu ay sii kordhinayso xawaaraha uu gaariga ku socda ayuu aabaha marmar waxa uu la toosinayaa isteersada isagoo dhahaya: ‘ Gaarsii illaa boqolka.’
Markii ay gaarsiisay saacada 90ka ayuu ku celiyey: ‘Soco, ha fiirin xawaaraha ee saliida sii gaariga ha baqin.’
Hooyada iyo aabaha dhalay gabadhan ayaa waxaa haatan dambi ku haysta ciidamada booliska dalka Ruushka waxaana dhici karta inla ganaaxo lacag dhan 2,500 roubles (£55) taas oo ah inay u fasaxeen gabadh yar oo aan lahayn fasaxa wadida baabuurta inay kaxeyso baabuurkooda.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada