Al-Shabaab oo wadaad caan ah ku gowracay degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Al-Shabaab oo wadaad caan ah ku gowracay degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wararka ka imaanaya degmada Xudur ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo xalay gurigiisa kala baxay wadaad caan ah oo lagu magacaabo Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame Meydkiisa oo qoorta laga jaray lagu arkay meel ku dhow hoygiisa.

Meydka Wadaadkan qoorta laga jaray ayaa ahaa Imaamkii Masjidka degmada Xudur, isagoo ka aqrin jiray Tafsiirka Quraanka Kariimka, waxaana uu ka mid ahaa ilaa 10-ruux oo Al-Shabaab ay xir xireen, markii ay la wareegeen degmada.
Xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegtay in Sheekha oo da’diisa aheyd 80-jir saaka waabarigii meydkiisa oo qoorta laga jaray saakay lagu arkay meel ku dhow hoygiisa.
“Nimankaas damiir laaweyaasha ee Al-Shabaab ayaa Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame ay gurigiisa xalay saqdii dhexe gurigiisa kala baxeen, waa gowraceen”ayay yiri Xildhibaanad Sareedo.
Dadka deegaanka ayaa aad uga naxay falkan lagu gowracay wadaadkan caanka ah, inkastoo aanay Saraakiisha Al-Shabaab ka hadlin.
Al-Shabaab ayaa maalin ka hor la wareegay degmada Xudur, markii ay isaga baxeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo muddo sanad ah ku sugnaa.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada