Ciidamo Milateri oo ka yimid Gedo ayaa ku soo qul qulaya Kismaayo iyo dagaal laga cabsi qabo

Ciidamo Milateri oo ka yimid Gedo ayaa ku soo qul qulaya Kismaayo iyo dagaal laga cabsi qabo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ku soo qul qulayeen magaalada ciidamo Milateri oo aad u fara badan, kuwaasoo ka yimid Gobolka Gedo.
Ciidamadan Milaterigan ayaa saldhig ka sameystay duleedka magaalada, iyadoo durbadiiba la dareemay cabsi ku aadan in dagaal uu dhex maro Ciidamada uu hogaamiyo Axmed Madoobe, kuwaasoo ciidamadan uga hortagay duleedka magaalada, isla markaana saldhig ka dhigtay agagaarka Garoonka diyaaradaha.
Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu diiday in ciidamada ay gudaha u soo galaan Kismaayo, hadii kale uu dagaal kala hortagayo, waxaana socda kulamo ku aadan sidii loo joojin dhaq dhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda.
Saraakiisha hogaamineysa Ciidamadan milateriga ayaa ku andacooday inay yihiin ciidamo loo soo bedelay Jubada Hoose, iyadoo warar qaar ay sheegayaan in ciidamadan ay soo mareen dhulka deegaano Al-Shabaab ka talinayeen, taasoo la sheegayo in heshiis is afagarad oo dhex maray labada dhinac ay ku soo mareen, iyagoo soo maray Jubada Dhexe iyo deegaano ka tirsan Jubada Hoose.
Ciidamada Axmed Madoobe ayaa saldhig ka sameystay inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Garoonka Diyaaradaha oo isu jira ilaa 12-KM, waxaana ay sameysteen dhufeysyo, si ay uga hortagaan ciidamadan milateriga hadii ay magaalada gudaha u soo galaan.
Dadka ku dhaqan Kismaayo ayaa hadal haya Ciidamada ku soo qul qulaya Kismaayo, waxaana ay ka cabsi qabaan in dagaal uu dhex maro Ciidamada uu hogaamiyo Axmed Madoobe ee Raaskambooniyiinta hadii ay gudaha u soo galaan.
Xiisada siyaasadeed ee ka jirtay Kismaayo ayaa todobaadyadii u dambeeyay sii xoogeysanayay, tan iyo markii uu dagaal ku dhex maray labo maleeshiyo beeleed, waxaana wali hakad ku jira shirweynihii maamul u sameynta Jubooyinka, oo dowladda Soomaaliya horay uga soo horjeesatay.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada