Xildhibaan Golaha Baarlamaanka Dhaxdiisa Bistoolad ula soo baxay Xildhibaan kale (Daawo Sawirada)

Xildhibaan Golaha Baarlamaanka Dhaxdiisa Bistoolad ula soo baxay Xildhibaan kale (Daawo Sawirada)


Mudane katirsan Baarlamaanka Dalka Urdun ayaa ku kacay tilaabo ee dad badan aad ula yaabeen kadib markii Bistoolad uu kula soo baxay gudaha Xarunta Baarlamaanka Dalkaasi uuna doonayay in uu waxyeeleeyo Mudane kale oo katirsan isla Baarlamaanka Dalkaasi.

Xildhibaanka Bistoolada lasoo nbaxay oo lagu Magacaabo Shadi Al-Adwan ayaa ka carooday hadal uu jeediyay Xildhibaan kale oo katirsan Baarlamaanka Urdun kaa oo si kulul u weeraray R/Wasaaraha Dalkaasi kuna sheegay in uu yahay nin Musuq maasuq uu dilooday Fadeexado badana uu dhax dabaalanayo.




Xildhibaan Shadi Al-Adwan oo aad uga carooday Hadalka Xildhibaanka ayaa durba lasoo baxay Bistoolad uu watay iyadooan durba ee fadhiga kasoo kaceen Xildhibaano kale oo dadaal u galay sidii ay u celin lahaayeen mudanahan careesan ugana qaadi lahaayeen Bistoolada uu lasoo baxay.

Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Dalka Urdun oo Fadhiga Shir gudoominayay ayaa durba joojiyay kal fadhigii isagoona xusay in Xildhbaanka Bistoolada lasoo baxay ay keentay caro soo wajahday waxa uuna intaa ku daray in Baarlamaanka fadhiga xiga ka doodi doonaan tilaabada uu ku kacay Mudanahan katirsan Baarlamaanka Dalka Urdun.



Dhacdadan ka dhacday Gudaha Xarunta Baarlamaanka Dalka Urdun ayey aad u hadal hayaan Saxaafada Caalamka iyadoona lasoo bandhigay Muuqaalka Xildhibaankla Bistoolada lasoo baxay ee doonayay in Xildhibaanka ka careesiiyay uu weeraro.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada