Maryan Mursal oo Shuruud Cajiib ah ku xirtay in ee Timaado Muqdisho iyo Dowlada oo Shuruudaasi ka jawaabtay

Maryan Mursal oo Shuruud Cajiib ah ku xirtay in ee Timaado Muqdisho iyo Dowlada oo Shuruudaasi ka jawaabtay


Fanaanada Caanka ah Maryan Mursan Ciise Bootaan oo kamid ah Fanaaniinta ugu waa weyn looguna jecelyahya Dalkeena Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ee Jeclaan laheyd in Muqdisho timaado si ay ugu noolaato balse ay jiraan asbaab arintaasi ka hor taagan.

Fanaanada ayaana xustay in Sababaha eey Muqdisho in ee tagto uga baqeyso ay kamid tahay in Xoog looga heesto Gurigeeda kuyaala Degmada Howl Wadaag gaar ahaan Baar Ubax kana baqeyso hadii dadka heesto iiga baxa tiraahdo in ee Dilaan.

‘’ Muqdisho waa Magaaladeedii waa meeshii aan ku bar baaray Fankana ka bilaabay aad ayaana u jeclahay in aan kusoo laabto kuna noolaado laakin dhibka jira ayaa ah in Gurigeyga xoog la iiga heesto kana baqayo kuwa heesta in ee I dilaan hadii aan guriga kala baxo ,’’ ayey tiri Fanaanada iyadoo qiiro badan ee ka muuqato.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa isna ka jawaabay hadalka kasoo baxay Fanaanada Maryan Mursan isagoona xusay in eesan jiri Karin in xiligan qof guri uusan laheyn xoog ku heesto isagoona Fanaanada u balan qaaday in 5 maalin gudaheeda gurigeeda ku dageyso hadii ee timaado.

Tarsan ayaa intaa ku daray in qof kasta oo Muqdisho guri ku leh xitaa ajaaniib Pakaistaan ama Hindi ah in ee yimaadaan ayna helayaan Guryhaooda si nabad ahna ugu noolaanayaan.

Arimahan oo dhan ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho isbadal weyn laga dareemay taa oo keentay in laga saaro dadkii sanado badan xoog ku heestay guryo aysan laheyn uuna hada shaqeeyo sharciga halkii uu ka shaqeyn jiray waagii hore Qoriga.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada