Muuqaal la yaab leh ayaa laga soo duubay gabar yar oo noqotay tan aduunka oogu timaha badan. Gabadhaan meesha ay ku nooshahay waxaa looga yaqaan daanyeer.
Gabadhaan ayaa waxaa jirkeeda dhan qariyay timo gaar ahaan wejigeeda iyo dhabarkeeda, gabdhaan ayaa magaceeda waxaa la iraahdaa Supatra waana 12 jir. Supatra ayaa dhigata iskuul macaliimiinteeduna waxay sheegeen inay tahay ardayga oogu caansan dugsigaasi. Supatra ayaa ah gabar aad u dadaal badan waxayna rajeynaysaa inay dhaqtar noqoto. Inantaan yar ayaa u dhalatay dalka Thailand.
Supatra ayaa dhagaheeda, gacmaheeda, iyo wejigeedaba waxaa isqabsaday timo. Gabadhaan ayaa maskixiyan ah qof caadiya waxayna aad u xiisaysaa dabaasha, muusiga iyo inay saaxiibadeed la ciyaarto. Dhaqaatiirta ayaa sheegay inaysan haatan wax ka qaban karin xaaladeeda. Gabadhaan ayaa la sheegay inay tahay mid aad u firfircoon lehna shaqsiyad wanaagsan taasoo ay ku hanatay saaxiibo badan.
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at