Faahfaahin: Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho+SAWIRRO

Faahfaahin: Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho+SAWIRRO


Weerarkaan oo ahaa mid naftii halignimo ah ayaa loo adeegsaday Gaari nuuciis yahay Roneed kaas oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaas oo loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo bulshada Soomaaliyeed Weerarkan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku nafweysay dad gaaraya Shan ruux oo shacab ah kuwaas oo intooda badan  saarnaa gaari rakaab ah oo wadada marayay kaas oo argagixisadu ay la beegsadeen weerarkooda.

Xiliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa wadada marayay gaari uu saarnaa taliyaha nabadsugiidda gobalka Banaadir Qaliif Axmad Erag iyadoo taliyaha markii uu tuhmay gaariga isqarixiyay in uu fal damacsanayahay ay ilaaladiisa oo feejigsan ay u diyaar garoobeen maadaama ay jirtay Qatar ay dareemayeen maalmahan.

Taliyaha oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay ku fashilmeen kooxda argagixisada Soomaaliya ayna ka tacsiyenayaan dadkii shacabka ahaa ee waxyeladu ka soo gaartay weerarkaasi niftii halignimada ahaa.

Mudane ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo ka mid ahaa dadkii u soo gurmada goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ku booriyay shacabka Soomaliyeed in ay ka fiijignaadaan warreerara argagixisada ay ku halaagayaan shacabka Soomaaliyeed kadib markii inta badan laga saaray dalka.

Maleeshiyada Shabaab ayaa warbaahinta la shaqeysa ku faafisay in weerarka ay ayagu fuliyeen, isla markaana ay ujeeddadii ay ka rabeen ka gaareen.
Dadka Qaraxa a ku dhintay waxaa ka mid ah dadweyne ku sugnaa goob maqaayad ah oo ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay, Arday ka socotay goobaha waxbarashada iyo dadweyne waddada marayay.

Ciidamada amaanka ayaa xakameeyay dhaqdhaqaaqa goobtii uu qaraxu ka dhacay.































_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada