Haweeneey Soomaaliyeed Oo bilad qaali ah ku qadatay Geesinimo

Haweeneey Soomaaliyeed Oo bilad qaali ah ku qadatay Geesinimo

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa soo bandhigtay Magacyada Toban Haween oo loo aqoonsaday in la siiyo abaalmarinta Sanadlaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka bixiso.
 
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry ayaa lagu wadaa in maalinta berrito (8-da March) xaflad u sameeyo Tobankaasi Haween si loo gudoonsiyo Abaalmarinta dhiiri gelinta ama Geesinimada (The Secretary of State’s International Women of Courage Award).
 
Abaalmarintan waxaa sanadkan la gudoonsiinaya Tobanka Haween ee magacyadooda kala yihiin:-
1- Fartuun Aadan oo u dhalatay Somalia ahna Guddoomiyaha Xarunta Nabada iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman peace and Human Rights Centre.
2- Malali Bahsduri oo u dhalatay Dalka Afganistan.
3- Samiira Ibraahim oo u dhalatay Dalka Masar.
4- Julieta Castellanos oo u dhalatay Dalka Honduras.
5- Josephine Obiajulu Odumakin oo u dhalatay Dalka Nigeria.
6- Elena Milashina oo u dhalatay Dalka Russia.
7- Tsering Woeser (Wei Se) oo u dhalatay Dalka China.
8- Razan Zeitunah oo u dhalatay Dalka Syria.
9-Ta Phong Tan oo u dhalatay dalka Vietnam.
10- Nirbhaya ”Fearless” oo ahayd gabar u dhalatay Dalka India oo u geeriyootay faraxumeyn loo geestay.
 
Munaasabada abaalmarinta lagu gudoonsiinayo Haweenkaas ayaa ku soo beegmeysa munaasabada maalinta Haweenka Aduunka ee 8-da March.
 
Si kastaba ha ahaatee, Abaalmarin sanadeedka Haweenka Caalamka la siiyo ayaa waxa ay Wasaarada Arrimaha Dibadda Mareykanka bilowday sanadkii 2007-dii, iyadoo Abaalmarintaas horay loo gudoonsiiyay 67 Haween oo ka soo kala jeeda 45 waddan
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada