Isticmaalka Mootooyinka oo ku soo badanaya magaalada Jowhar (Daawo Sawirada)

Isticmaalka Mootooyinka oo ku soo badanaya magaalada Jowhar (Daawo Sawirada)


Isticmaalka mootooyinka ayaa ku soo badanaya magaalada Jowhar iyadoo mootooyinkana inta badan ay adeegsadaan beeralayda.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa lagu arkayay wadooyinka magaalada Jowhar mootooyin badan oo ay dadku isticmaalayaan iyadoo laga jeceleystay baabuurta.
Bartamaha magaalada Jowhar ayaa waxaa ku taal rug laga kireeyo isla markaana lagu iibiyo mootooyinka.
Maxamed Cabdullahi oo ka mid ah shaqaalaha ka howlgala xarunta Baasadiiq ayaa sheegay inay soo bateen mootooyinka ayna wax badan u fududeeyeen shacabka lacag badana aysan ugaga bixin.
Waxana uu Maxamed sheegay in mootooyinka la kireeyo isla markaana qofkii kaxeeya ama wadi kara la siiyo halka dadka kale lagu daro qof yaqaan wadida mootada.
Sidoo kale mootooyinka ayaa waxaa isticmaala dadka degen tuulooyinka ku yaal magaalada Jowhar iyagoo dadkaasi ay u isticmaalaan in ay beeraha iyo deegaanada kale ee u dhow dhow ay ku gaaraan.
Guud ahaan magaalada Jowhar ayaa lagu arkayaa mootooyin faro badan iyadoo sanadihii aynu ka soo gudubnay magaalada Jowhar aan laga isticmaali jirin mootooyin badan.







_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada