Kenyatta oo ku Guuleystay Madaxtinimada Kenya

Kenyatta oo ku Guuleystay Madaxtinimada Kenya

Gudiga Doorashooyinka Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee Kenya ee ugu horeysay tan iyo 2007dii.
 
Gudoomiyaha Guddigga Doorashooyinka  Axmed Issaaq Xassan ayaa sheegay  maanta oo sabti ah in Mr. Kenyatta uu helay 50.07% codadka, taasoo kaga filan in doorashada aan lagu celin.
 
Ra’isul Wasaaraha Kenya Raila Odinga, oo isaga kaalinta 2aad ka galay doorashadii dhacday isniintii la soo dhaafay, isagoo helay in ka badan 43 % codadka guud ayaa sheegay maanta oo sabti ah inuusan ku qabacsaneyn natiijada oo uu maxkamad u gudbin doona dacwad ka dhan aha.

Khamiistiina , ninka ay tartanka dhinac uga soo wada jeedeen Kalonzo Musyoka ayaa sheegay sida hadalka uu dhigay in natiijada qaarkeed lagu shubtay, hase yeeshee gudoomiyaha gudigga doorashada Axmed Isaaq ayaa beeniyay eedahaasi.
 
Codbixintii Isniinta ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee Kenya ka dhacda tan iyo sanadii 2007dii, markaasoo natiijada doorashadii ka dhacday dalkaasi lagu murmay oo rabshado ka dhashayna ay ku dhinteen dad ka badan 1,100 qof, 600 oo kun oo qofna ay ku bara baxeen.
 
Dhinaca kale maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa dib u dhigtay dacwadda, ninka ay doorashada dhinac uga soo wada jeedaan Mr. Kenyatta, William Ruto.
 
Dacawadda oo loo mudeysnaa 10ka bishan April ee soo socota ayaa dib loogu dhigay ilaa iyo 28ka May. 
 
Labadaba Ruto iyo Mr. Kenyatta ayaa waxey ku eedeysanyihiin inay gacan ka geysteen ama ay lug ku lahaayeen rabshadihii dalkaasi ka dhacay 2007 iyo 2008 ee ka dhashay doorashooyinka lagu murmay .
 
Khamiistiina Maxkamadda ICC ayaa dib u dhigtay dacwadii Mr. Kenyatta's oo iyana dhici laheyd bisha April dibna loogu dhigay ilaa iyo bisha July.
 
Tirinta codadka doorashadii dhacday isniintii ayaa waxaa gaabis geliyay ka dib markii habkii electronigga ahaa ee lagu tirinayay uu shaqeyn waayay horaantii todobaadkan.
 
Inkastoo ay dhibaato ka jirtay dhinaca tirinta codadka, ayaa hadana goob joogayaasha caalamig ah ay ku tilmaameen doorashadii ka dhacday Kenya isniintii inay aheyd mid ku dhacday si xalaal ah oo uusan mugdi ku jirin.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada