Kooxdee ayuu Rooney ku biirayaa haddii uu ka tago Manchester United

Kooxdee ayuu Rooney ku biirayaa haddii uu ka tago Manchester United


Xiddiga Manchester United Wayne Rooney ayaa laga yaabaa inuu ka tago kooxda xagaaga, hadii la aaminayo wararka ay qorayaan wargeysyada Ingariiska shalay iyo maanta.

Xiddiga reer England ayaa lagu soo waramayaa inuu aad uga careysnaa in laga saaray line-upka kooxda kulankii Real Madrid islamarkaana uusan in badan Sir Alex Ferguson u arkin ciyaaryahan muhim ah.

2010kii Rooney isaga ayaa dalbaday inuu baxo isagoo kooxda ku eedeeyay inaysan laheyn tayo fiican islamarkaana aysan soo jiidan karin xiddigo waa weyn, laakiin seddex sanno ka dib Ferguson ayaa markaan u sheegaya weeraryahankiisa inuusan isaga laheyn tayo uu kooxda boos joogta ah kaga helo.

Rooney ayaa lagu soo waramayaa in lagu wargeliyay labo saac ka hor kulankii Real Madrid inuusan ku soo bilaaban doonin, inkastoo uu markii hore si deganaan ah u aqbalay go’aanka tababaraha hadana waxa la leeyahay waxa uu caradiisa u muujiyay asxaabtiisa kooxda.

Sidaasi darteed, halkee Rooney ku danbeyn karaa hadii uu ka tago Old Trafford?

Manchester City

Markii Rooney uu sannado ka hor kooxda ku xiray heshiis qaali ah, City ayaa u muuqatay meesha ugu macquulsan ee uu u baqooli karo xiddiga reer England. Laakiin haatan waa adag tahay in Sir Alex Ferguson uu xiddigiisa ka iibiyo koox ay si aad ah u xafiiltamaan, laakiin yaa ogaan kara waxa dhici doona hadii Sky Blue ay soo bandhigto lacag aan laga jeesan karin.

Paris Saint-Germain

Feker ahaan PSG ayaa u muuqata mid leh fursada ugu fiican, waxa ay heystaan lacag ku filan oo ay ku bixiyaan iibka Rooney iyo mushaharkiisa, laakiin dhibaatada kaliya ee ka horistaagi karta xiddigan ayaa ah in hadii uu Rooney doonayo inuu u dhaqaaqo France.

Bayern Munich

Rooney ayaa laga yaabaa inuu Bayern Munich u bedelo Arjen Robben oo mustaqbalkiisa kooxda uu yahay mid shaki uu ku jiro, Pep Guardiola-na waa uu jeclaan lahaa inuu helo xiddig sida Rooney ah, laakiin Bundesliga ma soo jiito ciyaartoyda Ingariis ah, taasoo heshiis ay Bayern Munich la gaarto Rooney ka dhigeysa mid fursad aad u yar ah.

Real Madrid

Rooney waxa uu qeyb ka noqon karaa isbedelka had iyo jeer ay sameyso Real. Dad badan ayaa filaya in tababare Jose Mourinho uu ka tagayo kooxda hadii ay taasi dhacdo isbedel ayaa ku imaanaya kooxda. Rooney ayaana ku haboon qorshaha ‘galactico’ ee madaxweyne Florentina Perez, xiddig adduunka laga yaqaano oo lacag soo gelin kara kooxda islamarkaana goolal ku dhalin kara.

Ama… wuxuu sii joogi karaa Manchester United


 Rooney ayaa mar ciyaar maskaxeed fiican oo uu mushahar qaali ah ku helay la ciyaaray Man United, waxaana laga yaabaa inay danina tahay markii Fergie. In keyd la geliyo hal kulan oo weyn waxa ay la micno tahay inuu nolal cusub kooxda dib u la bilaabo waxaana ay u shaqeysay Ryan Giggs ama inuu ku niyadjabo oo uu dalbado inuu baxo sida Dimitar Berbatov.

Waxaa jirta fursad kasta oo uu Rooney kaga soo kabsan karo arintaan oo uu si ka fiican sidii hore ugu ciyaaro kooxda ama inuu kursiga keydka galo oo uu iska qaato labada sanno iyo bar ee u haray isbuuc kasta 220 kun ginni.



_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada