Ma Ogtahay In Aay Jirto Sir Muhiim Ah Oo Kaa Qarsoon Kuna Saabsan Xaga Dumarka

Ma Ogtahay In Aay Jirto Sir Muhiim Ah Oo Kaa Qarsoon Kuna Saabsan Xaga Dumarka


Dumarku Waxeey U Nugulyihiin Nafsadoodana U hibeeyaan Ninka Aay Ka Helaan Arimahaan.

Dumarka waxey aad ugu qalbi nugul yihiin raga aay ka helaan waxeey doonayaan in kastoo dumarku aay isku dabci aheyn hadana midbaa waxey necebtahay mida kale waxey ka hesho, balse ninka raga ahi waa ninka kala garto waxa aay marwadiisu dooneyso iyo waxa aanay dooneyn.

Hadaba ninyahow si aad u hanato quluubta xaaskaaga ku dhaqan qodoba kuwooda wanaagsan ee warcad.com aay kuusoo bandhigeyso.

Qodobka 1aad: Si aad xaaskaaga usoo jiidato ha u aqoonsan keliya ineey tahay xaaskaaga u aqoonso oo ka dhigo saaxiibtaada oo aad kala tashato arimo kasto oo ku saabsan noloshina maxaa ka macaan jaceyl iyo saaxiibtimo aad hal qalbi kuwada abuurtay.

Qodobka 2aad: Xiliga aad adiga iyo lamaanahaada ku keliyoowdaan qolka fadhiga ee tv-ga ha u ogolaan meelo kala dheer inaad kala fadhiisataan isku soo dhawaada marna garabkeeda barko oo madaxa saaro marna dhabteeda ku seexo marna ku cayaar timaheeda si aay u dareento meel amaan ah ineey ku sugantahay, xusuusnoow dumarka waxaa hanto ninka tusiyo agtooda ineey amaan ku yihiin.

Qodobka 3xaad: Ma ogtahay in aay jirto sir muhiim ah oo kaa qarsoon xaga dumarka, taasoo aad ku kasban karto balse raga soomaaliyeed aaysan sameyn, hadaba sirtaasi waxey tahay dumarku ineey aad u jeceylyihiin in aay xambaaraan ragooda ama duudka haku qaadeen ama shafka ha ku qaadeen, hadaba xaaskaaga mararka qaar aad keli tihiin ku dheh sariirta ama kursiga ku istaag kadibna qaad markaad dejiso eeg wejigeeda qosolka iyo farxada kaaga muuqan doonto…

Akhristiyaasha warcad.com maanta halkaasi ayaanu kusoo koobeynaa hanashada quluubta marwadaada, balse ogoow ineey jiraan siyaabo aad u badan welibana sahal ah oo aad ku kasban karto quluubta xaaskaada.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada