Madaxweynaha Somaliya oo Shacabka Kenya ugu Baaqay xasilnaan iyo deganaasho Halmalyana u Diray Madaxwaynaha Cusub!

Madaxweynaha Somaliya oo Shacabka Kenya ugu Baaqay xasilnaan iyo deganaasho Halmalyana u Diray Madaxwaynaha Cusub!


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, wuxuuna ugu baaqay in la muujiyo xasilnaan iyo deganaasho. 
Madaxweynaha oo hadalkaas ka sheegay xaruntiisa Muqdisho ee Villa Soomaaliya wuxuu yiri “

Iyada oo dad aad u farabadan oo lagu qiyaasay 85%oo shacabka reer Kenya ah ay fursad u heleen in ay doortaan masuulkiii hogaamin lahaa waxaan u hambalyeeynayaa shacabka reer Kenya sida ay waajibaadkooda wadaninimo u guteen oo ay u codeeyeen, doorashada, waxaana xusid mudan sida nabadgelyada ay ku dheehan tahay oo ay doorashadu u dhacday” 

“Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliya ayaa u hambalyeeynayaan Mudane Uhuru Kenyatta oo loo doortay Madaweynaha cusub ee Kenya, waxaana diyaar u nahay in aan si wadno xiriirka xoogan ee ka dhaxeeya labadeena dal” 

Madaxweynaha oo hambalyadiisa diiran sii wada ayaa waxa uu raaciyey “Waxaan aaminsanahay in dhammaan shacabka Kenya ay si nabad ku jirto ay uga jawaabi doonaan natiijada doorashada, Hadii ay jirto dareen dhab ah oo la xiriira khilaaf waa in loo maraa wadada sharciga, si mar kale ay u dhicin khaladaadkii horay u dhacay” 

“Amniga iyo xasilnaashaha Bariga Afrika waxaa ka taagan walaac, anaga oo dhanna waa inaan si nabad ah uga wada shaqeynaa. Dhamaan walaalaheena reer Kenya, iyo madaxdooda waxaan ugu baaqeynaa inay xushmeeyaan qiimaha nafta bini’aadanka iyo hantidooda.” 

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada