Wararka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Boqolaal katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya tababar dhinaca milatariga ah kusoo qaatay Dalka Kenya loo diiday in ee gudaha u galaan Magaalada Kismaayo.
Ciidamadan lagu soo tababaray Dalka Kenya ayaa markii hore loogu tala galay Gobolka Gedo hasa ahaatee Saraakiisha ciidankan hor kaceysa ayaa iyagu kudoodaya in loo soo wareejiyay dhinaca Magaalada Kismaayo ayna hada doonayaan in ee ka howl galaan.
Gudoomiyaha Maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ahna Hogaamiyaha Raaskanbooniyiinta ayaa isagu kasoo horjeestay qorshahan Ciidanka Dowlada lagu soo galinayo Kismaayo uu ku sheegay in ee tahay mid Kooxdiisa lagu dhabar jabinayo sidaa darteedna aysan ogolaaneyn in Ciidankan gudaha usoo galaan Magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa Ciidamadiisa soo dhoobay Gudaha iyo Duleedka Magaalada Kismaayo kuwaa oo lasoo sheegayo in difaacyo adag dhigteen si ay uga hor tagaan Ciidamadan katirsan Milatariga Soomaaliya ee iminka kusugan Duleedka Magaalada Kismaayo maalintii shalay aheydna loogu geel qalay.
Ciidamadan Dowlada katirsan ee hada kusugan Duleedka Kismaayo ayaa Saraakiisha Hogaamineysa waxa ee sheegeen in ka go’antahay in ee ka howl galaan Magaalada Kismaayo oo sida ee sheegeen Howlo shaqo loogu soo badalay.
Saraakiisha Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ayaa iyagu ku hoolan si ee ay uga hor tagi lahaayeen in labada dhinac ee Siyaasad ahaan is diidan ee dagaalamaan iyagoona Saraakiisha Ciidamada Kenya ku amray in Hogaamiyaha Raaskanbooni uu Ciidamadiisa kala baxo aagaga cusub ee iminka ee soo dhoobteen.
Dowlada Soomaaliya ayaa Magaalada Kismaayo waxaa ka jooga Ciidamo aan sidaa u badneen kuwaa oo kamid ahaa Xulufadii Al-Shabaab kala wareegay Magaalada Kismaayo inkastoo aysan miro dhalin Qorshihii qabsashada Magaalada Kismaayo taa badalkeedana ee hada jirto is qab qabsi dhinaca maamulka ah oo u dhaxeeya Beelaha Daga Magaalada Kismaayo .
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 04:37 and have

