Nin Gabar Uuu Jeclaa Laga Guursaday Oo Gaari Xamuul Ku Weeraray Gawaaridii Gelbiska Loo Diyaariyay

Nin Gabar Uuu Jeclaa Laga Guursaday Oo Gaari Xamuul Ku Weeraray Gawaaridii Gelbiska Loo Diyaariyay

Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo Andrew Martin Curtis, kadib, markii uu ku kacay fal ku cusub deegankaasi.

Andrew Martin Curtis, waxa uu carro ka qaaday khilaaf soo dhex galay isaga iyo gabar uu la saaxiib ahaa, oo nin kale ka racday, kadibna waxa uu guddoonsaday inuu arbusho Xafladda lagu gelbin lahaa Caruusadda isaga ka dan-doorsatay.

Ninkaasi, waxa uu gaari xamuul ah ka soo xaday goob gaadiidka la dhigto oo ku taaalla Degaanka Midvale, wuxuuna xoog ku soo kaxeeyey gaariga oo uu la soo beegsaday Barxadda gaadiidka la dhigto ee Kaniisadda, halkaasi oo gaadiidka gelbiska joogeen.

Dareewalka saaxiibtiisa laga bloogay, waxa uu si ay ka muuqato hinaaso jacayl gaarigii ugu dhuftay gawaari halkaasi taagnayd, ka hor inta uusan goobta ka baxsanin.


Andrew Martin Curtis, waxa uu garigii weynaa ee uu falkaasi u adeegsaday dib ugu celiyey bartii uu horey uga soo kaxaystay, waxaana markii dambe qabtay Boliska oo dabalgalay ninkaasi.

Askari lagu magacaabo Justin Midvale oo ka hdla Saldhigga Degaanka Midvale, oo loo xil-saaray Kiiskaasi, ayaa dhacdadaasi ku fahfaahiyey Wargeyska Waregeyska lagu magcabo Chicago Tribune , cadadkiisa shalay (January 26th), lagu magcabo Chicago Tribune , cadadkiisa shalay (January 26th) qaabka uu u dhacay falka uu Ninkaasi ku carqaladeeyey Munaasabadda lagu gelbin laha saaxiibtiisa lga guursday.

Waxa uu falkaasi ku tilmaamay mid Mar-la-arag ku noqotay, maadaama intii Askariga ahaa uusan marnaba la kulmin dhacdo noocasi ah muddadii uu Boliska ahaa.

Eedeysanaha ayaa waxaa la soo taagay Maxkamadda, iyadoo lagu soo oogay fal-dembiyeedka uu geystay, iyadoo Dembiilaha uusan lahayn Laysinka lagu kaxeeyo Gaadiidka Waa Weyn (Third Grade) iyo inuu geystay burbur gaadiid oo lagu qiimeeyey Kun Dollar.

Eedeysanaha ayaa waxa uu falkasi u geystay Masayr uu ka qaaday gabadhii uu jeclaa oo horey u diiday inay isaga la hadasho.

Hinaasaha noocani ah, ayaa waxa uu qeyb ka yahay masayrka inta badn Lammaanayaasha is-jecel ka dhex dhaca, inkastoo Ragga loogu baahan yahay inay Kal-adeeg yeeshaan haddii ay dhacdadani oo kale buulkiisa soo gasho.
Ragga laga baloogo haweenka ay jeclaayeen, waa inay xusuustaan Maahmaahda Soomaalida ee oranaysa;- Naag kun baa kolkoolisa, kowna wey kala baxdaa’.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada