War Deg Deg Ah Qaraxyo Xoogan oo goordhaw ka dhacay Magaalooyinka Nairobi iyo Wajeer iyo Faah faahino kasoo baxaya Qasaarooyinka ka dhashay

War Deg Deg Ah Qaraxyo Xoogan oo goordhaw ka dhacay Magaalooyinka Nairobi iyo Wajeer iyo Faah faahino kasoo baxaya Qasaarooyinka ka dhashay


Waxaa Caawa Salaadii Cishaha kadib Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ka dhacay Qaraxyo xoogan oo la sheegay in ay ahaayeen nuucyada Bambaanaada gacanta laga tuuro.

Qaraxyada Bambaano oo Daqiiqado yar kaliya u dhaxeeyeen ayaa ka dhacay agagaarka Masjidka Al-Hidaaya ee Xaafada Islii gaar ahaan goob dukaan nuuca Mpesa loo yaqaan halkaas oo lasoo sheegayo in qasaarooyin ee ka dhasheen.

Inta la ogyahay hal qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay Qaraxyada Bambaano ee ka dhacay Xaafada Islii iyadoona durbo goobtaasi soo gaareen ciidamada kala duwan ee Kenya oo baaritaano halkaasi kasameeyay iyo gawaarida Amplaasta waxaa sidoo kale goobta tagay gudiga Ganacsatada Soomaalida ee Xaafada Islii.

Dhinaca kale Wararka aan ka heleyno Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi bari Dalka Kenya ayaa sheegaya in uu qarax ka dhacay goob codadka doorashada lagu tirinayay xili ee halkaasi kasocotay tirinta Codadka.

Inta la xaqiijiyay hal ASkari ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi iyadoona Qaraxa kadib ee joogsadeen tirinta codadka Magaalada Wajeer gaar ahaan goobta qaraxa lagu Weeraray.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada