Yaxaas nafta ka jaray nin caan ah oo Filimaanta sameeyn jiray & Booliiska oo Yaxaaskii weeraray (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Yaxaas nafta ka jaray nin caan ah oo Filimaanta sameeyn jiray & Booliiska oo Yaxaaskii weeraray (Daawo Muuqaal+Warbixin)


Xeebta caanka ah ee Muriwai Beach oo inta badan loo dalxiis tago kuna taala dalka New Zealand ayaa waxaa ka dhacday qiso cajiib ah ka dib markii uu Yaxaas xeebtaas ku qaarajiyay nin lagu magacaabo Adam Strange oo 46 jir ah waliba caan ku ahaa sameeynta & soo saarista Filimaanta iyo ka hadlida Telefishinada (award-winning film and TV director ). 


Adam Strange oo xeebtaas shaqo iyo Dalxiis u joogay waxaa soo weeraray Yaxaas aad u dhirir badan oo lagu sheegay mid baahan kaas oo ka faaideeystay intii uu biyaha Bada ku dhex dabaalanayay Mr.Adam Strange.


Ciidamada Booliiska New Zealand oo goobtaas soo gaaray markii ay Yaxaaskii wax ka qaban waayeen waxaa la dalbay diyaarado Helikoptero ah kuwaas oo ugu dambeeyntii Yaxaaskii Rasaas la dhacay . 

Dagaalka dhex maray ciidamada Booliiska dalka New Zealand iyo Yaxaaska baahan ee (shark) ayaa ugu yaraan waxa uu socday mudo 20 daqiiqo ah balse waxaa lagu guuldareeystay in Yaxaaskii weeynaa laga bad baadiyo Mr.Adam Strange oo dhanka soo saarista Filimada Caalamka caan ku ahaa . 


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada