Calanka Cusub ee Jubaland oo u Muuqda mid laga soo Min guuriyay Kan Puntland (Daawo Sawirada Labada Calan)

Calanka Cusub ee Jubaland oo u Muuqda mid laga soo Min guuriyay Kan Puntland (Daawo Sawirada Labada Calan)

daajis.com:-Dhawaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaa laga taagay Calan Cusub oo la sheegay in uu astaan u noqon doono Maamul Goboleedka Jubaland State oo hada dhismihiisu kasocdo Magaalada Kismaayo.

Calanka Cusub ee Jubaland ayaa ka kooban Sadaxda Midab uu ka kooban yahay Kan Puntland ee kala ah Cadaan, Buluug Dhaxda Xidig Shan Geesood ku leh iyo Cagaar, waxaana kaliya oo farqi u dhaxeeya labada calan lagu kala badalay Midabadaasi dhinacyada ee jiraan.

Nashqada Calankan cusub ayaan la sheegay in uu aad u shabaho kan Punland Nashqadiisana laga keenay Deegaamada Puntlanad labada Calana lagu kala duwan waxyaabo aad u yar sida Midabka Sadaxda ah halka ee ku yaalaan oo lakala duwan.



Dastuurka loo sameeyay Jubaland State ee dhawaan lagu Ansiciyay Magaalada Kismaayo ayaa horey loo sheegay in uu yahay midka Maamulka Puntland oo lasoo guuriyay laguan dabaaqy midka uu hada yeelanayuo Jubalans State.

Maamulka C/Raxmaan Faroole ayaa Qarash badan ku bixinaya gadaalna ka riixaya Shirka Kismaayo kasocda ee la doonayo in lagu dhiso Maamul Goboleedka Jubaland State waxaana halkaasi ku sugan Wafuud kasocota Puntland iyo siyaasiyiin kazoo jeeda Deegaanadaasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada