Inta Aad Habkaan U Sameyneyso Kulanka Sariirta Waligaa Iskuma Arkeysid Xanuunadaan.

Inta Aad Habkaan U Sameyneyso Kulanka Sariirta Waligaa Iskuma Arkeysid Xanuunadaan.

daajis.com:-Baaritaano ayaa muujinaya in sameynta kulanka macaan ee sariirta in labada dhinac ay u tahay caafimaad iyadoo hadii si nidaamsan loo sameeyo ay leedahay faa`idooyin badan , sidoo kale waxa ay labada lamaane siineysaa tamar aad u xooggan .
Hurdo Yarida : waa kaniiniga hurdada oo kale oo haddii ay hurdada kugu yartahay kulanka macaanka ee naxariista leh aad ayuu ugu fiican yahay sido kale waxa uu yareeyaa cadaadiska dhiiga iyo neerfoosnimada , sidoo kale wel welka iyo niyad jabka ayay ka fogaaneysaa .
In Kulanka oo todobaadkii sedex jeer la sameeya waxa ay xoojineysaa difaaca jirka gaar ahaan haweenka iyadoo haweenka hela kulanka mudadaas waxa ay aad uga yar yihiin hawenka kale ee aan helin in uu ku dhaco xanuunada qaboow(koolba aariyo) hergabka sidoo kale waxa uu sara qaadaa wareegga dhiigga halka ay yareeyso xanuunadada qalbiga iyo maskax xinjiroowga .

Jirka Ayuu Aad Ugu Fiican Yahay : sameynta kulanka macaan qaab habeysan iyo waqti ku haboon waxa uu jirka siinayaa muuqaal qurxoon iyadoo uu jirka ka gubayo in badan oo tamar ah muddo kooban , waxa ay bahda daajis.com ku leeyihiin ciyaarta sariirta waxa ay u dhigantaa nooc ka mid ah ciyaaraha ee la dhaq dhaqaajiyo murqaha , dhab ahaantii kullamaa aad sameeyso ciyaarta sariirta waxaad heleysaa waji qurxoon oo dhal dhalaalaya maalintaas waa laga dareemayaa in aad xalay soo buneystay .
Lafaha Ayuu U Roon Yahay : gaar ahaan hawenka waxa uu ka ilaaliyaa lafa jileeca waana ,faa`idada ugu muhiimsan ee ku jirta ciyaarta sarirta daajis.com ayaa ku sheegeysa in inta lagu jiro kulanka sarirta in jirka haweeneyda uu so daayo hormone-ka ah ESTROGENI kaas oo ka hor taga lafaha oo jileec noqda .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada