Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay La taliyaha dhinaca ammaanka ee Ra’iisul Wasaaraha Britain

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay La taliyaha dhinaca ammaanka ee Ra’iisul Wasaaraha Britain

daajis.com:-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay La taliyaha dhinaca Ammaanka ee Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron, xilli dowladda Britain dhowaan ay soo saartay digniin ku wajahan in Al-Shabaab weeraro argagaixiso ka geysan rabto Muqdisho.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka, iyadoo Britain ay muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Soomaaliya qataro xaga ammaanka awgood.
Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay ahmiyada shirka bisha soo socota ka dhici doona magaalada London, kaasoo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, iyadoo shirkan ay si wada jir ah u shir gudoomin doonaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain.
La taliyaha dhinaca ammaanka ee Ra’iisul Wasaaraha Britain Oliver Robbingson oo gaba gabadii la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen Madaxweynaha ay ka wada hadleen sidii ay u dar dar gelin lahaayeen qabsoomida shirka London.
Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay la taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Ciise ayaa isaga tilmaamay in wada hadallada ku aaddan shirka London in ay weli socdaan, meel wanaagsanna ay marayaan.
Shirka bisha May ka dhici doona magaalada London ayaa looga hadlayaa arrimo ku saabsan Soomaaliya, iyadoo shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Britain ay ka soo qeyb geli doonaan in ka badan 40-dowladood.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada