Sidee Ayaad U Dhaqmeysa Marka Uu Ninkaada Careysan Yahay ?Talo Laguu Haayo..

Sidee Ayaad U Dhaqmeysa Marka Uu Ninkaada Careysan Yahay ?Talo Laguu Haayo..


Ma jiro guri ka banaan dhibaato , mana jiro nin aan xanaaqeyn , balse haweeneyda caqliga leh waa midda taqaan sida ay u dhaqmeyso marka uu ninkeeda careysan yahay si xanaaqiisa si degan u nuugto kalgaceyl-na u giliso .
Haku fikirin in jaceylkii idin dhaxeeyay uu dabcay,xanaaqa ninka micnihiisu ma aha in Jaceylkii uu dhamaaday , hadaba sidee ayaad u dhaqmeysaa marka uu ninkaada uu xanaaqo .
* Marka aad aragto in uu xanaaqsan yahay oo uu cabursan isku day in aad dajiso , haka hor geyn dacwo iyo dhibaatooyinka caruurta , mar waliba xasuusnoow xadiiskii Rasullka SCW ee ahaa haweeneydii dhimata iyadoo ninkeeda uu raali ka yahay waxa ay galeysaa Janada ,waxaa wariyay Ibnu Maajah .
* Ogoow haddii uu hadlo isaga oo careysan haka jarin hadalka kuna taageer erayada jilicsan sida waan ogahay in aad daalan tahay , naftaada ha dhibin eryadaas waxa ay ka qaboojinayaan xanaaqada.
* Isku day in aad dajiso .
* Ha daa-daansan marka uu careyssan yahay , hana ku kicin eryada u muuqaan kara bahdilad .
* Ha Seexan Isaga Oo Careysan illaa aad ka dajiso , xoogga saar raali gilintiisa .

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada