Shirkii Garsoorka oo ka Furmay Muqdisho.

Shirkii Garsoorka oo ka Furmay Muqdisho.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka Dib u habeynta garsoorka Soomaaliya oo socon doona ilaa iyo bisha April shanteeda.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay khubaro, aqoonyahanno, hogaamiyayaasha dhaqanka, haweenka, ururada bulshada iyo dhammaan hay'addaha dowladda ee ku lugta leh garsoorka iyo cadaallada

Shirkan ayaa mudada uu socdo waxyaabaha lagu lafa guri doono waxaa  ka mid ah caqabadaha hortaagan garsoorka, dib u dhiska iyo horumarinta hay’addaha garsoorka, iyo xiriirka ka dhaxeeya hay’addaha garsoorka iyo dastuurka cusub.

Kulanka Dib habeynta Garsoorka Soomaaliya ayaa waxaa laga filayaa inay ka soo baxaan talooyin dhaxal-gal u ah hay'adaha garsoorka iyo cadaaladda.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada