Taageerayaasha Inter Milan: Waxaan Dareenay Agoonimo Ka Dib Jose Mourinho.

Taageerayaasha Inter Milan: Waxaan Dareenay Agoonimo Ka Dib Jose Mourinho.

daajis.com:-Taageerayaasha Kooxda Inter Milan ayaa muujiyay sida weyn ee ay ugu xiiseen tababarahoodii hore ee Jose Mourinho iyaga oo tilmaamay in uu taageeryaasha siin jiray dareen ah in xasilooni ay ku qabaan funaanada kooxda.

Kulankii xalay ee Roma ee 3/2 looga badiyay qeybtana ka ahaa Coppa Italia ayay taageerayaasha soo bandhigeen boorar ay ku qornaayeen” waxaan dareenay agoonnimo ka dib Jose Mourinho, waxa uu ahaa shaqsi garanaya sida dareenka kalsoonida loo giliyo taageerayaasha”.

Taageerayaashaan Inter Milan ayaa canbaareyay tababaraha haatan ee kooxda kaasi oo xilli ciyareed niyad jibiyay soo bandhigaya iyadoo xanaaqa taageerayasha uu cirka isku sii shareeray kulankii xalay ee ay kaga hareen Coppa Italia .

Xiligii Jose uu hayay kooxdaas 2008/2010-ka waxa uu la soo hoyiyay guulo wax ku ool oo ay taageerayaasha ka sabri la`yihiin , waxa ayna haatan ku jiraan kaalinta 7-aad ee kala horeynta kooxaha taasi oo u diideysa in tartmada kooxaha yurub soo aadaan xilli ciyaareedka dambe.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada