Yaa Ku Guuleysan Doona Abaalmarinta PFA Ee Xiddiga Ugu Fiican Xilli Ciyaareedkan Horyaalka Ingariiska?

Yaa Ku Guuleysan Doona Abaalmarinta PFA Ee Xiddiga Ugu Fiican Xilli Ciyaareedkan Horyaalka Ingariiska?

daajis.com:-Waxaa Shalayto lagu dhawaaqay lixda ciyaaryahan ee isagu soo hartay abaalmarinta sannadlaha ee PFA ee la gudoonsiiyo ciyaaryahanka ugu fiicnaa xilli ciyaareedka horyaalka Ingariiska.


Luiz Suarez, Gareth Bale, Robin van Persie, Juan Mata, Eden Hazard iyo Michael Carrick ayaana isagu soo haray tartanka xiddiga sannadka horyaalka Ingariiska ee abaalmarinta ay bixiso ururka ay ku mideysan yihiin ciyaartoyda ka xamaasha dalka Ingariiska ee PFA.

28ka bishaan ayaa magaalada London looga dhawaaqi doonaa ciyaaryahanka ku guuleysan doono abaalmarintan.

Robin van Persie oo xilli ciyaareedkii hore ku guuleystay ayaana mar kale fursad u helaya inuu difaacdo, halka Luiz Suarez oo hogaanka u haya gooldhalinta horyaalka Premier League uu isna sidoo kale tartanka abaalmarintan ugu cadcad yahay si la mid ah Gareth Bale oo Tottenham shaqo weyn u qabtay xilli ciyaareedkan.

Bale iyo Hazard ayaa sidoo kale waxa ay u sharaxan yihiin laacibka ugu fiican da’ yarta horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedkan iyadoo ay kula wehliyaan Christain Benteke, Romelu Lukaku, Danny Welbeck iyo Jack Wilshere.

Hadaba yaa ku guuleysan doona abaalmarinta xiddiga sannadka horyaalka Ingariiska? Ka qeyb qaado codbixinta hoose, islamarkaana fekerkaada hoos inoogu reeb. Natiijada codbixinta waxaan soo bandhigi doonaa maalinta isniinta hadii Eebe idmo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada