Al-Shabaab oo Gowrac iyo Dil iskugu daray Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo gacanta u galay

Al-Shabaab oo Gowrac iyo Dil iskugu daray Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo gacanta u galay

daajis.com:-Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Al-Shabaab ee weerar Dhuumaaaleesi ah ku qaadeen ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo kusugnaa Deegaano hoostaga Gobolka Bakool.

Al-Shabaab ayaa wax ee sheegeen in Ciidamadooda ee weerareen Ciidamo katirsan Dowlada oo doonayay in ee soo galaan Tuulada Abal oo 25-km u jirta Degmada Xudur waxana halkaasi ka dhacay dagaal culius oo mudo kooban socday.

Lama oga Qasaaraha rasmiga ah ee laada dhinac kala gaaray hasa ahaatee wararka aan ka heleyno Tuulada Abal ayaa sheegaya in Al-Shabaab halkaasi ku toogteen sadax nine e sheegeen in Dagaalka kusoo qabteen mid kamid ah ragaasna ee Gowraceen.

Goobta Dilku ka dhacayay wxaaa isugu soo baxay dadka deegaanka oo lagu qasbay in ee daawadaan qaabka Dilka loo fulinayo, lamana huba dadka la toogtay in ee yihiin askar katirsan Ciidanka Dowlada oo Shabaab gacanta u galay.

Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa dagaalo uu ku dhax marayay Al-Shabaab iyo Ciidamo katirsan Dowlada Deegaano hoos taga Degamad Xudur ee Gobolka Bakool , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Dhinaca Maamulka Dowlada ee Gobolka Bakool oo ku aadan dagaalka dhacay iyo askarta Shabaab dileen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada